Deg Deg war, Doon Usoo rarnayd Berbera oo saka Shantii Subaxnimo Degtay

0

Deg Deg War

 

Doon  Kusoo Socotay Berbera oo saka Shantii Subaxnimo Degtay,

Doontana oo magaceeda La Odhan Jiray Maxamed Naciim Ayaa  Dabayaaqadii Bishii Ramadan kazoo Shiraaqatay Dekada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta  waxanay u rarnayd ganacsato Reer Somaliland ah,

Sheekh cabdi raxiim Saleebaan jaamac  oo kamid ahaa ragii Doontasi u rarnayd ayaana u xaqiijiyay HWN Khadka Telofanka in Doontasi Degtay saaka Xiligii salada Subax Lagu Jiray Kadib markii dabaylo Xoogana oo ah Kuwii xagaaga aay ka Horyimaadeen  Socodkuna ku Adkaday, Mr cabdi raxiim  Wuxuu Intasi ku daray in Doontu u Jiertay Berbera saaka 140 Mail  lakiin aay Awood u wayday Dabaylaha Xoogana daraadood in aay soo jiidho waxaany isku dayday in ay dhufays ka dhigato inta dabayshu yaranayso  magaalo xeebeeda mukla ee dalka yemen  laakiin taasi way usuura gali wayday ayuu yidhi ,

Sheekh  cabdiraxiim oo kamid aha dadakii doonatani u rarnayd wuxuu sheegay in laga badbadiyay  shaqaalihii doontaa  waxaanu guray diyaaradaha tooska u kaca  ee helikobtarka looyaqan, inta wuxuu ku daray in  shaqaalaha doonti ahayeen Hindi,

Doontana aya waxa  saran 50 babuur oo kala duwan iyo ganacsi  kala duwan oo milyan oo dhowr milyan oo doolar ku dhawaa sida uu qiyaasay mr cabdiraxiim oo ku sugan Dubai,

Sida wararku xaqiijiyeen  Shirkada daldhis ayaana  ugu Khasaare Badnayd waxana ka srnaa  aduun dhan sided boqol oo kun oo doolar inkastoo  khasare xooganai soo wada gadhay  guud ahanba ganacsadaii ay u rarnayd doontani

Wariye yassin jama

Hadhwanag News Berbera