Sudan Xubno ka tirsan mucaaradka oo xabsiga loo taxaabay

0

Ciidamada amaanka dalka Sudan ayaa xiray seddex xubnood oo can ah kana mid ah mucaaradka dalkaaasi,labo ka mid ah dadka la qabtay ayaa ka tirsan falaagada lagu magacaabo Sudan People’s Liberation Movement halka qofka kalena uu ka mid yahay siyaasiinta mucaaradka .

Ciidamada sida militariga u tababaran ayaa lagu soo waramayaa inay qabsadeen hogaamiyaha falaagada Ismaaciil Jalab iyo afhayeenkiisii oo lagu magacaabo Mubarak Ardol saacadihii hore ee subaxdii Sabtida.

Hogaamiyihii mucaaradka Mohamed Esmat ayaa sidoo kale la qabtay .

Ismaaciil Jalab iyo Maxamed Esmat ayaa la qabtay saacda uun kadib markii ay la kulmeen raiisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, kaas oo khartuum u tagay heshiisiinta Mucaaradka iyo Militariga talada dalkaasi haya .

Xiritaanka mas’uuliyiintaan ayaa muujinaya in dhexdhexaadintaasi aysan dhab ka ahayn hogaamiyaasha militariga ee talada dalkaasi la wareegay.

Mucaaradka iyo Militariga ayaa u muuqda kuwa aad ukala fog marka la eego halka ay kala taaganyihiin.

Wadahadalada u dhaxeeya labada dhinac ayaa burburay kadib markii toogasho lagu dilay tabaneeyo qof oo ka mid ahaa dibad baxayaasha taageersan mucaaradka todobaadkaan.

Suudan ayaa markii hore u muuqatay inay heshay fursad ay ku geli karto waqti cusub oo dhanka dimuquraadiyadda ah, balse waxaa haatan muuqata in arrintaasi guul dareysatay

Militariga xukuma dalka Sudan ayaa ayaa tageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka hela dalalka Sacuudiga Imaaraadka iyo Masar oo dhamaantood ah dalal aysan ka jirin hanaanka Dimuquraadiyadda