Kenya ‘oo dabin u dhigtay saraakiisha lacagta dowladda xadda’

0

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay soo daabaceyso lacag cusub oo hor leh sii looga hortaggo musuq maasuqa.

Waxay lacagtani cusub muran badan ka dhalisay gudaha dalka xilli ay socoto doodda ku aadan dhaqangelinta arrintani.

Lacagtan ayaa ah mid leh naqshad cusub, waxaana lacagta ka muuqanaya sawirka madaxweynihii ugu horreeyay dalka Kenya, Jommo Kenyatta.

‘Lacagta waa sharci darro’

Qaar kamid ah siyaasiyiinta dalka Kenya ayaa ku tilmaamay qaabka loo maray hirgelinta lacagta cusub mid aanan dastuurka waafaqsaneyn.

Musalia Mudavadi oo kamid ah siyaasiyiinta dalkaasi ayaa waxaa uu sheegay in tallaabadan ay kasoo horjeedo sharciga dalka Kenya.

Dhanka kale, qaar kamid ah mas’uuliyiinta dalkaas ayaa dacwad ay kaga soo horjeedaan lacagta cusub u gudbiyay maxkamadda oo ay ku codsanayaan in aanan lasoo saarin lacagta cusub.

Waxay ku doodeen in lacagta uu ka muuqdo sawirka madaxweynihii ugu horreeyay Kenya isla markaasna aanan wax wadatashi lala yeelan shacabka dalkaasi.

Dhinaca kale, waxaa lacagtan ku sawirran taallada madaxweynihii hore ee Kenya.

 

Lacagta cusub ayaa looga golleeyahay in looga hortaggo musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta, waxay horseeday kala qeybsanaan xilli la filayo in qeybtii ugu horreysay lasoo saaro bisha Oktoobar ee sannadkan.

Waxay arrintani ku khasbi doontaa dad badan oo lacagaha guri dhigan jiray in hadda ay lacagtooda u qaadaan bangiyada si aysan meesha uga bixin lacagtooda maadama lacag cusub ay soo bixi doonto.

Bangiga dhexe ee Kenya ayaa difaacay tallaabada uu kusoo daabacayo lacagta cusub.

Guddoomiyaha bangiga dhexe, Patrick Njoroge ayaa waxaa uu sheegay in soo saarista lacagta cusub loo maray sharciga si dalka uu uga kaaftoomo lacag gabaabsi.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo safiirada Kenya u fadhiyo dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa soo dhaweeyay tallaabadan oo ay ku tilmaameen mid lagu xakeymanayo lacagaha laga lunsado dowladda.

Dadka ka faaloodu arrimaha dhaqaalaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada ay u muuqato dabin loo dhigayo saraakiisha sida musuq maasuqa ah ku xadda lacagta dowladda.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu dhaleeceeyay musuq maasuqa baahsan balse lacagtan cusub ayaa loo arkaa tallaabo jawaab u ah arrintaas.

Saraakiil iyo ganacsato reer Kenya ah ayaa lala xiriiriyay musuq maasuqa, waxaana la rumeysan yahay in maalaayin lacag caddaan ah ay gacanta ku dhigeen.