41 maxbuus dagaal oo somaliland sii daysay oo gaadhay magaalada garooe

0

Diyaarad sidda 14 maxbuus oo laga keenay magaalada Hargeysa ayaa sida qorshaysan duhurnimada maanta ka degaysa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Maxaabiistaasi  laga soo qaaday magaalada Hargeysa ayaa hore loogu qabatay dagaalladi dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Sidoo kale diyaaradda ayaa Hargeysa u qaadaysa 3 maxbuus oo Somaliland looga qabtay Tukaraq kuwaasi oo ku xidhan magaalada Garoowe.

Somaliland ayaa dhankeeda dagaalka ku qabatay 14 maxbuus oo dhammaantood maanta la keenayo Garoowe.

Heshiiskan maxaabiis is-weydaaarsiga labada dhinac waxaa ka soo shaqeysay hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC.