Trump oo inkiray ‘aflagaaddadii uu u geystay’ gabadha ka tirsan boqortooyada Ingiriiska

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa beeniyay inuu “wax laga yaqyaqsado” ku tilmaamay amiiradda Sussex ee ka tirsan boqortooyada Igiriiska, iyadoo xitaa la hayo cajalad uu codkiisa ku duuban yahay.

Meghan Markle ayaa ah xaaska amiir Harry, oo ay ayeeyo u tahay boqoradda Ingiriiska, waxayna dhawaan dhashay wiil cusub oo ku soo biiray dhaxal sugeyaasha boqortooyada.

“Waligey Meghan kuma tilmaamin ‘wax laga yaqyaqsoodo’,” ayuu Trump bartiisa Twitter-ka kusoo qoray maanta oo Axad ah.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa sheekadan sameeyay warbaahinta faafisa wararka been abuurka ah, waana lagu qabtay!”

Mr Trump ayaa hadalka la qoonsaday ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska The Sun, mar uu isku diyaarinayay safarkii uu ku tagay dalka Ingiriiska.

 

 

Meghan oo u dhalatay dalka Mareykanka, horayna u ahayd atariisho ayaa si joogto ah u dhaliisha Mr Trump.

Waxay taageero buuxda u heysay Hillary Clinton oo Trump kula loollameysay doorashadii Mareykanka ka dhacday sanadkii 2016-kii.

Mar ay ka hadleysay Trump ayay ku tilmaantay inuu yahay “qof shacabka kala qeybinaya, oo dumarka neceb.

Mar wareysiga uu Trump siinayay wargeyska The Sun loogu sheegay inay hadalladaas tidhi Meghan ayuu sheegay inuusan horay usii maqlin oo ay markaas ugu horreysay.

“Ma aanan ogeyn taas. Maxaan ka dhihi karaa? Ma aanan ka war qabin inay ahayd wax laga yaqyaqsoodo”, ayuu yidhi Mr Trump.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay ku biirtay qoyska boqortooyada, wuxuuna ku tilmaamay inay noqoneyso amiirad “aad u wanaagsan”.

Maanta oo Aaxad ah ayuu wargeyska The Sun boggiisa Internet-ka soo dhigay cod laga duubay Trump markii la wareysanayay.