Nin magaca boqortooyada Sacuudiga dadka ku baadi jiray oo xabsi la dhigay

0

Sanada badan ayuu Anthony Gignac ku noolaa nolol boqortooyo oo raaxa leh. Waxa uu soo xirtay dahab qaali ah, waxaa uu raaci jiray diyaarado qaas amaba gawaari ay ku xiran yihiin tarikooyinka diblomaasiyiinta.

Waxa uu sidoo kale isugu yeeri jiray “Sulaadaan”. Balse ugu dambeyn Jimcihii ayay soo afjarantay sheekadisii sheegashada amiirnimada.

Garsoore jooga magaalada Florida ayaa sheegay in Gignac oo 48 sano jir ah uu ahaa Khiyaanoole sheegtay in uu ka mid yahay amiirada Sacuudiga si ay dadka u aaminaan oo uu dhac ugu geysto.

“30-kii sano ee ugu dambeeysay Anthony Gignac ayaa ku qaraabanayay in uu yahay amiir ka tirsan boqortooyada Sacuudiga sii uu gacanta ugu dhigo maalgashadayaal ka soo jeeda dunida daafeheeda,”

Waxaa uu la baxay amiir Khalid Bin Al-Saud si ay dadka u aaminaan rajadiisa been abuurka ah.

Waxa uu Gignac ku dhashay Colombia, waxaana soo korsaday qoys deggan gobolka Michigan ee dalka Mareykanka tan iyo toddobo jirkiisii.

Markii uu 17 sano jirsaday waxa uu bilaabay in uu iska dhigo qof ka oo jeeda boqortooyada Sacuudiga isagoo khiyaanayay shirkadaha iibiyo kaararka telefoonada lagu shubto, shaqaalaha dukaamada iyo maalgashadeyaasha.

Dukumiintiyo laga soo xigtay maxkamadda ayaa muujinayay in 11 goor la xiray.

Bishii May ee sannadkii 2015-kii isagoo isticmaalaya magaca Khalid Bin Al-Saud ayuu dhac u geeystay ganacsato badan.

Si ay dadka u aaminaan sheegashadiisan boqortooyada, ayuu waxa uu ilaadiisa usoo iibiyay koofiyado qaali ah isagoo isticmaalay shatiyo diblomaasiyadeed oo been abuur ah.

Gignac waxa uu xiran jiray dharka dhaqanka ee Sacuudi Carabiyo, faraantiyo iyo saacado qaali ah. Waxa uuna inta badan ku safri jiay diyaaradaha iyo maraakiibta raaxada.

Noloshiisa been abuurka ah waxaa la ogaaday kadib markii bartiisa Instagram uu soo dhigay sawirro muujinayay eeygiisa oo ku fadhiya boorsooyin si fiican loo naqshadeyay iyo boqortooyada Sacuudiga oo ay ku qoran-yihiin “aabahay”.