Raysalwasaaraha Itoobiya Oo Waraysi Lala Yeeshay Kaga Hadlay Hoggaamintiisa Iyo Khilaafaadka Gobalka

0

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, ayaa waxa waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay weriye Eskinder Fire oo ka tirsan idaacadda VOA, qaybteeda amxaariga, waraysiga oo ay Ingiriisi u turjuntay Idaacadda VOA qaybteeda Ingiriisida, ayaa waxa uu Wargeyska Geeska Afrika waraysigaas u turjumay Af Soomaali, waxaanu waraysigu u dhacay sidan:

Su’aal:Sanad guuradii koowad ee raysal wasaarenimadaada waxaad tidhi “qorshahaygu wuxuu yahay oo keliya inaan kor ugu qaado Itoobiya heer sare, baraarujiyo shacabka islamarkaana kor u hinjiyo dal madaxiisu hoos u fooraro. Ma jirto niyad xumo kale oo aan intaas ahayn oo aan leeyahay.” Maxaad uga jeeday hadalkaas?

Abiye Axmed: ma aaminsani inay haboon tahay in awoodda lagu sii dhegenaado mudo dheer. Inta aan awoodda hayona, waxaan qabaa inaan u isticmaalo si aan u bedelo nolosha dadka. Balse inta aan ku guda jiro dadaalka ku aadan keenidda is bedel, waxa dhici kara qaladaad- balse niyadayda iyo ficilkaygu waxaay ujeedaan in kor loo qaado Itoobiya.

Ajandahaygu maaha inaan isticmaalo kooxo gaar ah, inaan weeraro kooxo gaar ah, ama inaan riixo kooxo gaar ah ama cadaadiyo dadka. Waxa aan ku hawlanahay waaa shaqo kor loogu qaadayo Itoobiya. Taas ayaa ah waxaan rabo, waana taas waxaan qabtaaa.

Waxaan si kalsooni ah u odhan karaa inaan wax lug ah ku yeelan doonin dilka dadka ama inaanan uga faa’idi doonin sifo sharci darro ah aniga oo wax kala baxaya jeebabka dadka inta aan hogaanka hayo.

Suaal:fariintii aad u dirtay dawladda iyo dadka Eritrea xuskii Maalinta Madax-banaanida Eritrea waxaad sheegtay in Itoobiya diyaar u tahay oo ay ka go’an tahay in si wada jir ah wax looga qabto arimaha weli taagan ee labada dal hortaagan. Maxaay yihiin arimahaas weli taagani?