Cuba oo xustay askartii uga dhimatay dagalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya

0

Madaxwayna ku xigeenkii ugu horreeyay ee Cuba,Salvador Valdes Mesa ayaa waxaa uu shalay ka qaybgalay xuska ciidamadii Cuba looga dilay dagaalkii ogaadeeniya ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida uu qoray wargeyska Prensa Latina ,Valdes ayaa caasimadda Cuba waxa uu ubax dhigay goob uu ku yaalla dhagax ay ku dhagan yihiin sawirada askartii Cuba uga dhimatay dagalkii 1977 ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya.

Guushii ay Cubanka ka so hoyiyeen dagaalkaasi 15 bishii March 1978, ayaa so afjaray duullaankii ay ciidamadii soomaaliya ku soo qaadeen gobolkaasi Ogaadeeniya.

Dowladda Soomaaliya ee u hogaaminayay Maxamed siyaad Bare ayaa xilligaasi sheegtay in dhulka Ogaadeen uu yahay dhul Soomaaliyed islamarkana ay Itoobiya xoog ku haysato.

Madaxwayna ku xigeenkii ugu horreeyay ee Cuba,Salvador Valdes Mesa ayaa xuska ka dib waxa uu kulan la qaatay wakiilo ka socday bulshada Cubanka ee ku nool dalka Itoobiya .

Dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya ayaa ahaa mid uu khasaaro badan ka dhashay labada dhinacba.

Waxaa markii hore dagaalka ku gacansareeyay ciidamada Soomaaliya,balse waxaa markii dagaalka ka soo qaybgalay dowlado ay Cuba ka mid ahayd oo Itobiya gacan ka siiyay in ciidamadii soomaaliya dib looga saaro goobihii ay qabsaden.

Khubarada militariga ayaa waxay sheegeen in xilligaasi ay ciidamadii soomaaliya ahaayeen kuwa dhisan qalab ahaan iyo uud ahaan tayada maka lo barbardhigo kuwii Itoobiya.