Ilhaan Cumar oo u ol’oleyneysa Mooshin ka dhan ah Donald Trump

0

Wax cusub ma aha dagaalka xagga afka ee u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo Madaxweyne Donald Trump, balse waxaa hadda muuqata in xaaladdu ay yeelaneyso waji cusub oo xasaasi ah.

Garyaqaanka khaaska ah ee Mareykanka Robert Mueller, oo markii ugu horreysay Arbacadii ka hadlay arrimaha ku saabsan baaritaanka ka dhanka ah madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in haddii uu kalsooni buuxda ku qabo in Mr Trump uusan wax dambi ah sameynin, uu mar horeba arrintaas caddeyn lahaa.

Mr Mueller ayaa sidoo kale sheegay in uusan tix galin siinin maxkamadeynta madaxweyne xilka haya, maadaama uu dastuurka tallaabadaas aad u xaddidayo.

Hadalkan ayaa caro galiyay siyaasiyiinta kasoo hor jeeda Trump, gaar ahaan kuwa xisbiga mucaaradka ah ee Dimuqraaddiga Mareykanka, waxayna sheegeen inay waajib tahay in madaxweynaha lala xisaabtamo.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan ee loollanka galiya Mr Trump ayaa hadda billowday ol’ole ay ku dooneyso in xilka laga qaado madaxweyne Trump.

Barteeda Twitter-ka ayey kusoo qortay mowqifkeeda, iyadoo soo xiganeysa hadalkii Mr Muller.

“Haddii aan kalsooni ku qabi lahayn in madaxweynaha uusan wax dambi ah galin, waan sheegi lahayn inuu yahay qof nadiif ah… Dastuurku wuxuu dalbanayaa hannaan ka duwan midka caadiga ah ee waaxda caddaaladda ay kula tacaasho dambiileyaasha, marka si rasmi ah loo eedeynayo madaxweyne xilka haya”. “Kani waa dhawaaq lagu dalbanayo in tallaabo la qaado”, sidaas ayey Ilhaan kusoo qortay boggeeda Twitter-ka.

Ilhan Omar

@IlhanMN

“If we had confidence that the president clearly did not commit a
crime, we would have said so… The Constitution requires a process
other than the criminal justice system to formally accuse a sitting
President of wrongdoing.”

This is a call to action.

Dhanka kale, siyaasiyiin badan oo Mareykan ah ayaa dalbanaya inuu iscasilo madaxweynaha, kadib markii uu hadalkaas kasoo yeeray Robert Mueller, oo ah garyaqaanka khaaska ah.

Musharraxiinta xilka madaxweynaha ee kasoo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga ayaa doonaya in kalsoonida lagala noqdo Trump islamarkaana xilka laga tuuro.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa aqlabiyad ku leh aqalka wakiillada ee Koongareeska, halka xisbiga Jamhuuriga ee uu Trump ka tirsan yahay ay ku awood badan yihiin aqalka odayaasha ee Senate-ka.

Taas ayaa horseedeysa in labada dhinac ay isku mari waayaan arrimo badan oo la xiriira howlaha dowlada, balse ma cadda in isku dayga xil ka qaadista Trump uu soo dagdagi karo.