Haweenay joogta Wajeer oo caanaha geela ka iibisa Scotland

0

Manaafacaadka geela ayaa sanooyiinkii ugu dambeeyay ahaa mid ku sii kordhayay deegaanada Soomaalida.

Caanaha geela ayaa ka mid ah waxyaabaha muddooyiinka ugu dambeeyay ay faa’ido badan ka helaan dadka geela dhaqda.

Balse inta badan way yartahay in caanaha Geela loo dhoofiyo wadamo kale.

Magaalada Wajeer waxaa ka jira ganacsato ka shaqaysta caanaha geela kuwaasi oo guulo badan ka soo hoyiyay.

Shirkadda Wajir milk Traders oo ka howlgasha magaalada Wajeer ayaa ku guulaysatay in caanaha ay u dhoofiyaan gobolka Scotland, taasi oo ah wax ku cusub gobolka Waqooyi bari Kenya oo inta badan caanahooda lagu iibiyo gudaha dalka.

Faaduma Cusmaan Axmed waa mulkiilaha shirkada caanaha u dhoofisa Scotland, waxayna ka warbixisay sida ay arrintan ugu suuragashay.

” Waxaa na soo booqday hay’ado kala duwan, waxay naga aruuriyeen warbixinno iyo xog kuwaas oo ku shaaciyey website-yada, halkaas ayaana macaamiisha ka helnay.” Ayey tiri Faadumo

iday ugu dhoofisaa Scotland?

” Halkan aan joogna ayaa lagu habeeya marka hore kaddib anaga oo raacayna sharciga ka jira dalka ayaa waxa qaata macaamiisha”.

Caanaha geela ayaa sida la sheegay waxa ay leeyihiin faa’iidooyin badan, Faadumo oo ka hadlaysa ayaa tiri, ” caanaha geela waxay daaweeyaan cuduro badan sida xanuunada kansarka, sonkorta iyo dhiikarka, sidoo kale caanaha geela ma halaabayaan haddii ay muddo yaalan, waxaana laga helaa faa’idooyin badan oo aanan laga helin xoolaha kale, fa’iidooyinka gaarka ah ee aan aniga ka helay iibinta ama suuq gaynta caanaha ayaa ah inaan hadda hormar ku tilaabsannay oo aanan joogin meeshii aan ka bilaawnay, horaan baannaanka ayaan ku iibin jirnay balse hadda waxaan ku howlgalnaa xarun iyada oo ay hay’ad noo balanqaaday inay noo dhisto xarun weyn. .”

” Waxa la rabaa in wax soo saarkaada aad u samaysid ama aad ka fikirtid sidii aad suuqyada kale ee caalamka aad u gayn lahad, dhibaatooyin badan ayaa ka hor yimaada maadama aysan badanaa dadkan haysan taageero dhanka dowladda ah taasi oo niyad jab ku ah, balse haddii la raaco sharciyada waxaan aaminsanahay in wax soosaarka la gayn karo suuqayada kale ee Caalamka.”