Dawlada Kenya Oo Qaaday Talaabo Kale Oo Ay Culays Dublamaasiyadeed Ku Saarayso Soomaaliya

0

Dawlada Kenya ayaa shaacisay talaabo kale oo ka dhan ah Soomaaliya oo ay qaaday.

 

War ka soo baxay dawlada Kenya ayaa lagu shaaciyey inaanay xukuumada Nairobi ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan alaabaha xamuulka ah iyo shandadaha aanay dadkii lahaa la socon ee la soo saaro diyaaradaha u kala goosha soomaaliya iyo Kenya.

Bayaan ka soo baxay dalka Kenya ayaa lagu sheegay in shandadaha aanay la socon dadkii lahaa ee ka imanaya magaalada Muqdisho lala wareegi doono iyada la raacayo sharciga gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dalka Kenya.

Warka ka soo baxay dawlada Kenya ayaa u dhignaa sidan “Dawlada Kenya waxay ka walaacsan tahay shandado badan oo aanay la socon dadkii lahaa kuwaas oo saaran diyaaradaha ka imanaya soomaaliya, taas oo ka hor imanaysa sharciyada gaadiidka caalamiga ah ee hawada, waxaanay khatar ku tahay amaanka sidaas darteed dawlada Kenya ma ogolaan doonto in alaab aan la wehelin oo ka iman doonta soomaaliya ay gudaha u gasho Kenya haddii ay dhacdadana iyada oo la ilaalinayo amaanka gaadiidka hawada iyo xeerka amniga iyo diyaaradaha waxa lala wareegi doonaa alaabtaasi.”

Dawlada Kenya ayaa hore u qaadatay go’aan ay ku joojisay diyaaradihii tooska uga iman jiray magaalada Muqdisho ee u imanayey Nairobi kuwaas oo lagu leexiyey magaalada Wajeer oo lagu soo baadhi doono amnigooda.

Sidoo kale dawlada Kenya ayaa joojisay fiisihii dal ku galka ee ay masuuliyiinta soomaaliya ka qaadan jireen garoomadeeda iyada oo wasaarada caafimaadka ee dalka soomaaliya ay mamnuucday in shaqaalaheedu ay shirar kaga qayb galaan magaalada Nairobi.

Xidhiidhka labada dal ee Kenya iyo soomaaliya ayaa sii xumaanayey tan iyo bishii labaad ee sanadkan.