Wargeyska Daily Nation: Kenya waa inay xoog u adeegsataa muranka xuduudda badda ee Soomaaliya

0

Warbixintan oo uu qoray nin lagu magacaabo Kemoli Sagala oo ku takhasusay arrimaha amniga iyo maamulka ayuu ku sheegay in Kenya aysan sii ahaan karin “deris wanaagsan” balse looga baahan yahay inay awood dowladeed u adeegsato xallinta khilaafkan.

Qormadiisa ayuu ku yidhi “Waxaan qiyaasayaa in golaha qaran ee amniga Kenya ay waajibaadkooda gudanayaan ayna leeyihiin qorshe ay ku ilaalinayaan ugana difaacayaan Kenya gardarrada uga imaaneysa dibadda iyo wax walba oo suurtagalin kara in dhul laga boobo, sidoo kalena ay ka feejignaan doonaan daandaansiga iyo cadaawadda dalka dariska la ah ee Soomaaliya”.

Wuxuu qoraalkiisa sidoo kale ku yidhi “waa in la hakiyaa duullaanka shisheeye gaar ahaan shirkadaha doonaya inay ka faa’ideystaan shidaalka dhulka lagu muransan yahay ee u xaglinaya dhinaca Soomaaliya”.

Kenya ayuu sheegay in laga doonayo inay si toos ah xal awood ku saleysan u ugu hesho muranka ku saabsan xadka badda ee ay isku heystaan Soomaaliya, ayna ka gudubto marmarsiiyada ay sameysaneyso.

Maqaalka waxaa lagu sheegay in dalalka Kenya iyo Itoobiya ay dhibaato kala kulmeen taarikhda dheer ee dadaalka Soomaaliya ee dib usoo celinta dhulkooda, tusaale ahaan, Soomaaliya waxay duullaan ku qaaday Itoobiya bartamihii sannadkii 1977-kii, si ay ula wareegto dhulka Ogaadeeniya “iyadoo ka duuleysa fikradda ah helidda dhulka Soomaali weyn.”

Wuxuu sheegay in Kenya ay muddo dheer taageereysay mideynta Jamhuuriyadda Soomaaliya balse hadda la joogo xilliggii siyaasaddaas si degdeg ah loo baddali lahaa.

Kiisas hore oo ay go’aan kasoo saartay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda oo ku saleysnaa murannada badda ee ka dhexeeyay dalal Afrika ku yaalla, ayaa muujinaya in go’aanka kasoo bixi kara oo noqon karo mid Kenya wax la’aan dhigaya, sida lagu sheegay maqaalka.

Haddii ay taasi dhacdana waxay khubarada ku xeel dheer arrimahan sheegayaan in Kenya ay noqoneyso bad la’aan, maadaama dhinaca kale ee baddeedana ay qaadaneyso Tanzania.

Qoraagan ayaa sheegay wax khalad ah uusanku jirin in laga baxo heshiisyada caalamiga iyo xubin ka ahaanshaha xulafada.

Dagaalka ma ahan wax wanaagsan balse xoojinta nabadda guud ahaan caalamka waxay ka timid guulaha ay gaareen militariga, ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn, maqaalka ayaa lagu soo gabagabeeyay in xiriirka diblumaasi ee Kenya ay ku leedahay gobolka uu yahay mid kaalin weyn ku jira, laakiin marka ay arrintan timaado loo baahan yahay in diplomaasiyad laga tallaabsado.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda wuxuu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

 

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa lagu qiyaasay ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Maxkamadda caalamiga ah ee (ICJ) ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayey hor taallaa dacwad dhanka badda ah oo ay dowladda Soomaaliya u gudbisay sannadkii 2014-kii, ka dib markii ay guldareysteen wadaxaajood labada dhinac u dhaxeeyay.

Xukuumadda Nairobi ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in go’aanka xudduudda lagu salaynayo tii la jaangooyay xilligii gumaystaha ee dhanka bari.

Balse Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in xadka lagu salaynayo dhanka Koonfur bari iyada oo la eegayo xudduuda dhanka dhulka.

Kiisaska muranada ee la geeyo maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaaristooda waxay qaadataa muddo sanado ah.