Madaxweyne Geele oo u waramay wargeyska Al-sharqal awsat ayaa cambaareeyay weeraradii lagu qaaday ceelasha shidaalka ee sacuudiga,

0

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa dalka Sucuudiga ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiyaha dalalka Carabta iyo dunida Islaamka.

Madaxweyne Geele oo u waramay wargeyska Al-sharqal awsat ee ka soo baxa dalka Sucuudiga, wuxuu sheegay inuu cambaaraynayo weerar dhawaan lagu qaaday xarumo laga soo saaro shidaalka oo ku yaala magaalada Riyad. “Sucuudigu waa hoggaamiyaha Carabta iyo dunida Islaamka. Dhibaato kasta oo loo gaystaa waxay la macno tahay weerar lagu soo qaaday dunida Muslimka iyo Carabta.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geele, waxaanu intaas raaciyay, “Kelmadaha ugu culus ayaanu ku cambaaraynaynaa weerarkaas.”

 

Madaxweyne Geele waxa kale oo uu sheegay inuu taageersanyahay shirarka iyo kulamada uu Sucuudigu u qabto dunida Carabta iyo dunida Islaamka.

Mar la weydiiyay halis uu Sucuudigu ka cabsi qabo oo kaga imanaysa Iran, wuxuu Madaxweyne Geele yidhi,”Sucuudigu waa hoggaamiyaha Carabta iyo Islaamka, weerarkii diyaaradaha drone-ka ee dhawaan lagu soo qaaday dhuumaha shidaalka waanu cambaaraynaynaa, sidoo kalena weeraro kale oo lagu qaaday Makkah iyagana waanu cambaaraynaynaa.”

Madaxweyne Geele wuxuu sheegay inuu xidhiidh taariikhi ahi ka dhexeeyo Djibouti iyo Sucuudiga, isagoo sheegay in Sucuudigu qayb libaax ka ciyaaray xorriyada ay Djibouti heshay sannadkii 1977.

Mar la weydiiyay xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya oo uu Sucuudigu isu soo dhawayntooda ka shaqeeyay, wuxuu yidhi, “Is afgaradkaasi wuxuu sababay inuu soo noqdo xidhiidhkii, lana dhiso xidhiidh is aaminaad ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geele, isagoo intaas raaciyay inuu rajaynayo in isfahamkaas bilaabmay uu sababo in la calaamadiyo xuduuda ay Ereteriya iyo Djibouti ku muransanyihin.

Madaxweyne Geele wuxuu wargeyskan u sheegay in Djibouti door muhiim ah ka ciyaarto daminta khilaafaadka gobalka iyo bariga Afrika, isagoo sheegay inay Djibouti si dhow ula socoto xaaladaha ka aloosan dalka Suudaan.