Itoobiya oo qabatay sarkaal sare oo ‘udub dhexaad u ahaa xukuumaddii maamulka Soomaalida’

0

owladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay saal horay uga tirsanaa maamulkii deegaanka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay saal horay uga tirsanaa maamulkii deegaanka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar.Ninka la qabtay oo in muddo ah lagu raad joogay ayaa loo heystaa gaboob fallo dhacay intii ay jirtay xukuumaddii hore, waxaana la filayaa inuu wajaho maxkamadeyn.

Xasan Ismaaciil Ibraahim, oo loo yaqaanno Xasan dheere ayaa ahaa korneyl ka tirsan ciidanka Liyu Booliska, waxa uuna horay usoo qabtay xilal kala duwan oo sar sare.

Wuxuu horay u ahaa hoggaankii nabadgalyada ee dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuuna ahaa guddoomiyihii dhinaca asluubta.

Markii ay dhacday dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii baxsatay eek a carartay Itoobiya.

Balse markii uu u gudbay dhinaca Soomaaliya, wuxuu ku hakaday deegaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo haddana laga soo qabtay magaalada Goldogob.

Xasan Dheere ayaa ka mid ahaa in ka badan 40 ruux oo xeer ilaaliyaha dalka Itoobiya uu amar ku bixiyay in lasoo xiro, si caddaaladda loo hor geeyo.

Waxaa ninkan lagu eedeynayaa inuu mas’uul ka yahay tacaddiyadii ugu badnaa eek a dhacay dowlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaan xabsiga caanka ku ahaa xad gudubyada ee loo yaqaanno Jeel Ogaadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qabashadiisa ay gacan ka geysteen dadka ku sugan deegaanka uu ku dhuumaaleysanayay.

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.

Hase yeeshee Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Hase yeeshee wuxuu Cabdi noqonayaa qofkii ugu sareeyay oo lasoo xiro, maxkamadna lasoo taago marka laga hadlayo dadka kala duwan ee guud ahaan Itoobiya lagu eedeynayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Dr Abiy oo shalay sidoo kale ka hadlay xisbiga TPLF ee gobolka Rigrinya ayaa yiri “TPLF oo kaliya ma ahan dadka isbadalka kasoo horjeeda, ee dhammaan xisbiyada ku jira isbahaysiga tallada haya dad ka mid ah ayaa kasoo horjeeda isbadalka, waxna waan ka qaban doonaa” ayuu yiri Abiy oo u muuqda in markii ugu horeysay uu si toos ah uga hadlayo arrimo aanan shaaca usoo bixin wixii hadda ka horeeyay.

Cabdi oo kaliya ma ahan dadka caddaalada lala tiigsanayo, ee sidoo kale warbaahinta Itoobiya waxa ay sheegaysaa in sidoo kale ay booliiska soo xirayaan dad kale oo Cabdi ku xirnaa, kana mid ahaa xukuumadiisa.