Mrs Theresa May Ha Iscasisho Balse Lama Dafiri karo Inay Noqotay The Second Iron Lady Of UK After Mrs Tatcher”Cali Guray.

0

Allay lehe mawqifka Baarlamanka Ingiriiska ayaa halkaa maraya. Waxay diidayaan way garteen. Sida muuqata waxay diidayaan ha garteene may garan waxay doonayaan inay ku doorsadaan. Markaa mawqifkoodu waa BEERKA JECLI XAYDHA JECLI ama EU in UK ay ka baxdo dadka Ingiriiska ayaa doonay hadana kama bixi karayno oo si aanu ugu bixi karnaa ma jirto ama garanmayno. Markaa taladaasi geedi iyo nagaansho midna maaha

Dumarka Ingiriisku waa dumar adadag. Intii ka dambaysay hogaamiyihii dalka Ingiriiska ee dagaalkii labaad Winston Churchill laba dumar ah ayaa jagada Raiisul Wasaaraha soo maray oo intii kale ee ragga ahayd fadhiista yidhi. Mrs May ha iscasisho balse lama dafiri karo inay noqotay The Second Iron Laday of UK after Mrs Tatcher in lagu xasuusto Raiisul Wasaarihii ugu xumaa ee soo maray UK in kale la arki doonee after BREXIT. Xal kasta oo laga fakari karo way soo dhigtay baaramanka ayaana ka diiday ku ay doonayaan ama intooda badani ay isku raacsan yihiin-na aan haynin. Ka iyada ka dambeeyaa xal uu soo dhigi karo oo aan ahayn kuwii laga diiday ma jiro. Markaa arinku kama fursan doono in dadka afti kale laga qaado inay ka baxaan ama ku jiraan EUda. Taasi lafteeda ayaan la hubin waxay ka bedeli karto xaaladda dalka Ingiirska oo haday ku jiris noqto waa fashilaad hadii kalena waa halkeedii oo EU way cadaysay in aan mawqifkoodii waxba iska badeli doonin hadii Raiisul Wasaare cusubi yimaado lafteeda

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)