Maxaad ka taqaan magaalada reer aakhiraadka ee lasoo booqdo

0

Dhul gariis 11 sano ka hor ku dhuftay gobolka Sichuan ee dalka Shiinaha ayaa sababay inay dhintaan qiyaastii 87,000 oo ruux.

Markii uu dhul gariirka dhacay kadib, magaalada Yingxiu oo dhan waxaa loo daayay sidii ay u burbursaneyd, waxayna noqotay meel malaayiin ruux ay dalxiis ku tagaan sanad walba, si ay usoo eegaan.

Dhismeyaashii dhaadheeraa ee magaalada ku yaallay ayaa qeyb ahaan u dumay, meelaha qaarna waxay u muuqdaan kuwo argagax leh oo aan amaan ahayn.

Malaayiin ruux ayaa guryahooda ku waayay magaaladan, dadkii dhimashada ka badbaadayna way isaga tageen halkaas.

Magaalada Beichuan, oo ka tirsan isla gobolka ichuan, koox ka kooban 200 oo ruux ayaa ku wareega guryaha guryaha burburay, si ay u ilaaliyaan xasuusta dadkii ku dhintay musiibadii ka dhacday halkaas.

Waxaa sii kordhaya dadka dalxiiseyaasha ah ee booqda magaalooyinka burburay ee gobolkan.

Dadka faro ku tiriska ah ee wali ku harsan ayaa dalxiiseyaasha ku haga goobaha ay doonayaan inay daawadaan, iyagoo dhex mariya meelo badan oo burbursan.

Meydadka kumannaan ruux oo ku dhintay dhul gariirka ayaa wali ku hoos aasay burburka dhismeyaasha.

Dalka Shiinaha ayaa ka mid ah waddamada qaaradda Aasiya ee ay waxyeellada ba’an u geysteen dhul gariirrada ku dhuftay.

Sanadkii 1920-kii, 234,117 oo ruux ayaa ku geeriyootay mid kamid ah dhul gariirradii ugu khasaaraha badnaa ee soo maray dalkaas.