Somaliland Miyey Ka Faa,iidaysanaysaa Xiisada U Dhaxaysa Soomaaliya Iyo Kenya?

0

Wasiirka Wasarrada Arrimaha gudaha Somaliland Maxmed Kaahin Axmed oo maalmihii ugu danbeeyayba isaga iyo wafdi la socda ku sugnaayeen magaalada Nairobi, ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu aheyn in ay ka faa’ideysanayaan khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Annaga ma nihin kuwa ka dhex faa’ideystay xiisadaha labada dal. Waa arrin u taala labada wadan oo ay tahay in ay xaliyaan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la hadlay voa.

Soomaaliya ayuu ku eedeeyay Wasiir Kaahin in aysan laheyn siyaasad cad oo sida uu hadalka u dhigay nabad iyo degenaasho kula noolaato wadamada dariska la ah, waana tan keentay ayuu yiri marba ay qolo isku dhacaan.

“Soomaaliya wax kuma tarto Kenya ee Kenya ayaa haatan wax  tarta Soomaaliya,” ayuu Kaahin daba dhigay hadalkiisa, waxaana uu dhaliilay siyaaasada arrimaha dibada Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Kaahin  ayaa sheegay in khilaafkan haatan taagan uu yahay mid u dhaxeeya labo dowladood oo sidaa daraadeed loo baahan yahay in iyagu dhameystaan khilaafkooda.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in Magaalada Nairobi ay kulamo kala duwan kula yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya, islamarkaana ay kala hadleen danaha Somaliland.