Wargeyska Daily Nation:- Dawlada Kenya Ma Muruqeeda Ayey Ku Tijaabinaysaa Soomaaliya?

0

Wargeyska ugu weyn ee Nairobi kasoo baxa ee Daily Nation ayaa shalay ciwaan far waaweyn ah ku qoray “Dowladda Kenya oo muruqeeda ku tijaabinaysa Soomaaliya”.

 

Wargeyska oo ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay, sida mas’uuliyiintii Soomaalida ahaa ee garoonka Jomo Kenyatta laga celiyay, ayaa qorey in uu heley xog la xidhiidha in dowladda Kenya ay go’aansatay in ay xidhiidh toos ah la yeelato maamulada ka jira Soomaaliya, iyada oo hareer maraysa dowladda Muqdisho.

 

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ujeedada Kenya ay ula macaamilayso maamulada ay tahay si ay cadaadis dheeraad ah u saarto dowladda Muqdisho oo ay Kenya ka weyday waxyaabihii ay ka doonaysay.

Waxa uu wargeyska soo qaatay sharcigii batroolka ee dhawaanta la ansixiyay , wuxuuna intaas ku daray in ceelal shidaal oo ku yaala badda ay labada dal isku heystaan..

Wargeyska wuxuu sheegay in uu ka warhayo in uu jiro go’aan cadaadiska Soomaaliya la saarayo qeyb ka ah oo ku saabsan diyaaradaha laga leeyahay Soomaaliya in lagu soo rogo shuruuc adag oo xanibaad ah.

Hore waxa ay Kenya dib usoo celisay in duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya ay soo maraan magaalada Wajeer, halkaas oo lagu soo baadho. Talaabadan ayay Kenya ku fasirtay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Waxa kale oo uu wargeyska sheegay in qorshaha uu ka mid yahay in ciidamada Kenya si qorsheysan looga soo saaro dhulkii ay ka saareen Alshabaab sanado ka hor, si culeeska loogu kordhiyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa bilihii dhowaa kasoo baxay deegaano dhawr ah oo ku yaala gobolka Gedo, sida deegaanka Buusaar iyo Faafaxdhuun.

Wargeyska oo qoraalkiisa bogga 4aad kusoo baxay sii wata ayaa sheegay in inta ay Soomaaliya diidantahay in wadahadal laga galo muranka dhul badeedka, in Kenya ay mid mid uga bixi doonto dhammaan heshiisyadii la galay.

Heshiisyadan waxaa ka mid ah kuwa ganacsi, socdaalka iyo is dhexmarka dadka, Iyo waliba heshiis ku saabsan arrimaha qaxootiga.