Theresa May oo xilka Ra’iisul Wasaaraha UK ka dageysa

0

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa ku dhawaaqday inay xilka ka dageyso.

Waxay sheegtay inay qabatay intii karaankeeda si ay u dhameystirto in Britian ay ka baxdo Midwoga Yurub, balse ay awoodi weysay.

Ra’iisul wasaaraha UK, did u dhacyo badan ayey kala kulantay xubno ka tirsan Xisbigeeda oo ku jira baarlamaanka, waxay ka horyimaadeen qorshaheedii u dambeeyay ka bixista Midowga Yurub. Qorshahaas waxa loogu talogalay in uu soo jiito xisbiyada oo dhan.

Theresa May waxay sheegtay inay ka dageyso hoggaanka xisbigeeda talada haya 7-da bisha June, balse ay sii ahaan doonto Ra’iisul Wasaare ilaa inta la dooranayo hoggaamiye cusub.

Billo ayaa laysla dhexmarayay cidda beddeli karta Theresa May ee noqon karta hoggaamiyaha xisbiga Conservative. Waxaa ka mid ah kuwa ugu caansan tartamayaasha.

 

Boris Johnson, saadaalin dhawaan la sameeyay, ayaa muujisay ku dhawaad 40 boqolkiiba xubnaha xisbiga ay taageerayaan xoghayihii hore ee arrimaha dibadda inuu hoggaamiyo.

Dominic Raab ayaa ku xiga, waa hoggaamiyihii hore ee ka bixista Midowga Yurub, kaasi oo isku casilay heshiiska ra’iisul wasaaraha. Ku dhawaad kala bar kuwa u codeeya xisbiga waxay qabaan inuu doorasho guud ku guuleysan karo.

Tobaneeyo wasiir ayaa la sheegay inay kala dooranayaan- xoghayaha arrimaha dibadda, Jeremy Hunt, iyo xoghayaha bey’adda Michael Gove iyo xoghayaha arrimaha gudaha Sajid Javid inay suuragal yihiin.

Xil ka dagista Theresa May ee maanta waxay ka dhigeysaa inay ka mid tahay ra’iisul wasaareyaashii ugu waqtiga yaraa ee soo mara UK.