Shah Rukh Khan oo si layaab leh oga jawaabay su’aal la weeydiiyay

0

Jilaaga caanka ah ee jila Aflaanta Bollywood, Shah Rukh Khan ayaa taageerayaashiisa barta Instagram ka codsaday inay su’aalo soo weydiyaan.

Shah Rukh Khan ayaa waxa loo soo bandhigay su’aalo kala duwan balse hal mid ayaa soo jiidatay isaga.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa jilaaga weydiiyey sababta uu u guursaday isaga oo da’yar. Hase yeeshe Shah Rukh ayaa ka bixiyay jawaab aad u soo jiidatay dadka.

“Walaal , jacayl iyo nasiib waxay wehel kula noqon karaan mar uun, marka labada waxaan ka helay xaaskayga Gauri” Ayuu yiri Shah Rukh..

Shah Rukh ayaa guursaday xaaskiisa Gauri 1991-kii kaddib muddo lix sano ah oo ay is wada yaqaaneen. Waxay noqdeen waalidiin markoodii ugu horreysay 1997-kii oo uu dhashay wiilkoodii ugu horreeyey 2000-kii, iyo wiilka ugu yar qoyskooda AbRam oo dhashay 2013-dii.

Qaar ka mid ah jilayaasha ugu caansan dalka Hindiya ayaanan weli guursanin, su’aalaha ugu badan ee la weeydiiyana ay yihiin sababta ay u guursan waayeen, halka Sha Rukh Khan la weeydiiyay su’aal taas cagsigeeda ah.

Shahrukh Khan oo dhawaan dalka Ingiriiska lagu guddoonsiiyay shahaado sharafeed ayaa filimkii ugu dambeeyay ee uu sameeyay waxa uu ahaa filim loogu magacdaray Zero, kaas oo aan noqonin sidii la filayay.

Mar uu ku sugnaa dalka Shiinaha ayaa Shahrukh Khan wuxuu sheegay in filimkaasi aysan dadka jecleysan, oo uu noqday filim guul darreystay, walaac na ku abuuray isaga.

 

Wuxuu dalka Shiinaha u tagay si uu suuq horleh ugu raadiyo Filimka Zero oo ku fashilmay gudaha dalka Hindiya.

Guul darradan ayaa filan waa ku noqotay jilaaga, maadaama uu horay usoo bandhigi jiray aflaan xiiso leh oo dhaqaale badan uu ka sameeyay.

“Dabcan waxaa laga yaabaa in aan sameeyay Filim aan sheekadiisa la jecleysanin, waxaan ka walaac sanahay in uu suuq ka heli doono Shiinaha, balse waxaan rajeynayaa inay shacabka Shiinaha ka helaan”, ayuu yidhi Shahrukh Khan oo wareysi siinayay telefishinka dowladda Shiinaha.

Sameynta Filimkan oo uu Shahrukh Khan sheegay in uu ku baxay qarash badan ayaa waxaa isku howshay shirkadda Redchilles ee uu isagu leeyahay.

“Wakhti badan ayaannu galinay sameynta filimkan, aad ayaan uga walwalay oo waxaan gaaray heer aan mardambe dib u daawanin Filimka, marka Filim saddex sano aad sameneysay ay dadku iska diidaan aad ayaad uga murugoneysaa, balse saddex bilood kadib ayaan dib uu eegi doonaa”, ayuu hadalkiisa raaciyay Shahrukh Khan.