Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan.” Sidaas waxa yidhi suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

0

Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan.” Sidaas waxa yidhi suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex ka taagan Xisbiyada Qaranka ee salka ku haya qabsoomida Doorashooda iyo Komishanka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Somaliland iyo Somaliya “Nin Siyaasi Koonfur ahaa oo la odhan jiray Oday Laangadhe, ayaa maalin yidhi “Reer Waqooyi haddii aad tihin, dawladnimadii baad noo keenteen, idinka oo wax shuruud ah ku xidhin, Caasimaddii Muqdisho ayey noqotay, Madaxweynihii Muqdisho ayuu noqday, xilalkii cuslaa reer Koonfureed baa qaatay, idinkuna waxba kamaad soo qaadin, oo waad ka doodi weydeen, waxaas oo dhan oo aad noo keenteen, waxaanu idinku bedelnay aargoosi”, markaas waxaa dhab noqdayhadalka uu ninkaasi siyaasiga ahi hore u sheegay, dawladnimadii aynu Xamar geynay, aargoosi, xasuuq iyo cadaawad baynu ka dhaxalnay,inaynu dib ula soo noqono xoriyadeenana bilaash kumay iman, ee dhiig baa u daatay, halgan baynu u soo marnay, haddii aynu awal si qasab iyo juujuub ah aynu ugu dabaal degi jirnay oktoobar, oo wax inaga galay aanay jirin, maanta inaga oo xor ah ayeynu u dabaal degaynaa 18 may, oo ah maalin inoo suntan, waxaana leeyahay halkan lagama rabo cid Somaliya doonaysa, ee Somaliland cid doonaysa ayaa laga rabaa, Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan, ee Maamulka Xamar ka taliya waxaan leeyahay cagodhigta,hore ayaanu idiin baranay,aargoosi dambe iyo cadaawad dambe uma taag hayno, ee sidaas aynu ku ahaano laba dal oo jaar ah”.

Mar uu ka hadlaayey Xisbiyada Somaliland ayaa yidhi “Ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, inta ay is hayaana waxba inoo hagaagi mayaan, Doorashana inoo dhici mayso, ee Xisbiyadu waa inay heshiis ka gaadhan waxay isku hayaan, markii hore nidaamka loo sameeyey Komishanku wuxuu ahaa nidaam cadaalad daro ka muuqato, maxaa yeelay marka uu Madaxweynuhu laba xubnood magacaabo, Golaha Guurtiduna laba xubnood magacaabo,Xisbiga hadba Muxaafidka ahina uu hal xubin magacaabo, Xisbiyada Mucaaradku min hal xubin magacaaban, waa cadaalad daro, waxaana loo baahna inay Xisbiyadu si siman u qaybsadaan xubnaha Komishanka, sidaas oo ay yahay imikana waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo, oo xal umadda dan u ah la wada gaadho”