Amiirkii boqortooyada Sacuudiga ee ‘faroxumeynta’ kula dhaqaaqay ciyaartoy caan ah

0

Sheekadan qeybteeda ugu muhiimsan waxay ka dhacday hoteel weyn oo ku yaalla magaalada Cannes ee dalka Faransiiska, sanadku markii uu ahaa 1976-kii.

Wuxuu ahaa habeen xagaa ah oo kulul, nin taajir ah iyo nin faqiir ah ayaana isla saarnaa wiishka dabaqyada dhaadheer lagu fuulo, loogana dago.

Ninka maalqabeenka ah wuxuu ahaa Amiir Cabdalla Bin Nassir.

Wuxuu ahaa wiilka uu awowga u ahaa ninkii aasaasay Sacuudi Carabiya.

Wuxuu ahaa wiilka uu dhalay barasaabkii hore ee magaalada Riyaad, taajirnimadiisuna ma ahayn mid la qiyaasi karo.

Ninka faqiirka ah markii amiirka la barbar dhigo waa Eamonn O’Keefe, oo ah ciyaartoy kasoo jeeda magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Aabihiis wuxuu ka shaqeynayay shirkad yar, wuxuuna guri ku lahaa magaalada Oldham.

Markii ay arrintu dhaceysay, labada nin waxay kasoo baxeen goob khamaarka lagu ciyaaro khamrigana lagu cabo.

Cabdalla wuu ku guul darreystay khamaarkii, mar walbana sidaas ayuu ugu guul darreysan jiray, laakiin wax wal wal ah kuma heynin.

Haddii aad tahay amiir ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga, kumannaan doolar waxay kaaga baxeysaa casho oo kaliya.

 

Eamonn khamaarka ma ciyaari jirin, laakiin habeenkaas wuu ku guuleystay.

Wuxuu safar damaashaad ah kula jiray amiirka ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaasoo uu lasoo raacay diyaarad qaali ah, waxayna isla deganaayeen hoteel casri ah oo ku yaalla magaalada Cannes.

Markii ay soo galeen albaabkii hoteelka, waxay soo aadeen dhinicii wiishka, si ay dabaqa ugu fuulaan.

Wiishka gudihiisa markii ay galeen Cabdalla wuxuu ku jeestay Eamonn.

“Waxaan rabay inaan arrin kuu sheego”, ayuu yidhi Cabdalla. Gacantiisa ayuu garabka ka saaray Eamonn. “Waxaan ogaaday inaan ku jeclahay”, ayuu sii raaciyay.

Eamonn markaas wuxuu dareemayay neefta amiirka, waxaana u soo urayay sigaarka iyo khamriga uu cabay.

“Ma waxaad ula jeeddaa jacayl walaaltinnimo ah?, ayuu yidhi Eamonn.

“Maya walaaltinnimo ma aha”, ayuu lasoo booday Cabdalla.

Halkaas ayeyna ahayd meeshii uu ka billowday dhibka.

Maxaa isu keenay Amiirka iyo ciyaartoyga?

Eamonn, oo hadda ay da’diisu tahay 65 sano ayaa ka sheekeeyay qisadan cajiibka ah ee dhex martay isaga iyo amiirka boqortooyada Sacuudiga, xilligaasna wuxuu ahaa 22 sano jir.

Markii uu yaraa wuxuu aad u jeclaan jiray kubadda cagta, riyadiisiina way u rumowday.

Laakiin wuxuu ka ciyaari jiray kooxo yar yar oo aan mushaar badan laga helin.

Ugu dambeyn wuxuu nasiib u yeeshay in looga yeero kooxda kubadda cagta Al-Hilal ee ka dhisan dalka Sacuudiga, si uu ugu ciyaaro.

Al-Hilal FC waxaa markaas madax u ahaa amiir Cabdalla Bin Naasir.

Halkaas ayey isku barteen isaga iyo amiirka, waxaana tijaabo kadib loo oggolaaday in uu ku biiro kooxda.

Muddo gaaban gudaheed waxaa isbaddashay noloshii Eamonn.

 

Markii uu waddankiisa joogay wuxuu mushaarka isbuuclaha ah ee uu kooxdiisa ka qaato ahaa £40 gini, laakiin kooxda Al-Hilal waxaa looga qoray £140 gini.

Waxaa la siiyay guri, gaari, xaaskiisa iyo 2 carruur ah oo uu dhalayna waa loo soo raray.

Eamonn wuxuu noqday ciyaartoygii ugu horreeyay ee reer Yurub ah oo ku biiray kooxda Al-Hilal.

Maalinba maalinta ka dambeysay waxaa sii xoogeysanayay xiriirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya ciyaartoygan iyo Amiirka kooxda maamula.

Laakiin markii ay dhacday qisadii wiishka hoteelka, waxaa soo idlaaday xiriikoodii kharashka badan ku fadhiyay.

Markii ay arrintaas dhacday, waxay isla markiiba soo gaba gabeeyeen safarkoodii damaashaadka ahaa, waxayna dib ugu laabteen magaalada Riyaad.

Ciyaartoyga waxaa ku adkaatay inuu waddanka ka baxo, wuxuuna dareemayay cabsi xoog leh oo ku saabsan amaankiisa.

“Wali waxaan lasii yaabanahay arrintaas mararka qaarna waan iska qoslaa”, ayuu yidhi Eamonn markii uu BBC-da uga sheekeysanayay qisadiisa, haddana ku sugan magaalada Manchester.

Inkastoo uu culeys weyn la kulmay, waxaa u suurta gashay inuu waddankiisa ku laabto, wuxuuna noloshiisa mar kale ka billaabay meesha ugu hooseysa.

Eamonn waxa uu markii dambe u ciyaaray kooxaha Everton iyo Wigan Athletic, wuxuuna u safan jiray qaranka Ireland.

 

Xaguu ku dambeeyay Amiir Cabdalla?

Cabdalla wuxuu madaxa kooxda Al-Hilal ahaa ilaa sanadkii 1981-kii.

Markii uu Eamonn kasoo tagay kooxda, qofkii ku xigay ee uu qandaraaska koocdiisa u saxiixay wuxuu ahaa Roberto Rivellino, oo horay xulka qaranka Brazil kula guuleystay koobkii adduunka.

Marka laga soo tago jacaylka uu u qabay kubadda cagta, wax kale lagama yaqaanno taariikh nololeedka amiirka.

Wasaaradda warfaafinta ee dowladda Sacuudiga iyo maamulka kooxdiisaba way ka gaabsadeen inay ka jawaabaan arrintii uu shaaca ka qaaday Eamonn, wax bandanna lagama sii qorin amiirka.

Khabiir u dhashay Sacuudiga ayaa mar BC-da u sheegay in qoyska boqortooyada ay ku nool yihiin nolol aysan fahmi karin saxaafadda.

Dowladda Sacuudiga ma aysan sheegin in Amiir Cabdalla uu nool yahay iyo inkale, laakiin website ay kooxda Al-Hilal leedahay ayaa lagu qoray inuu geeriyooday.

Wariye kasoo jeeda bariga dhexe ayaa BBC-da u sheegay inuu dhintay sanadkii 2007-dii, halka mid kalena uu u maleynayo inuu dhintay 2006-dii.