Xubnihii ka tirsanaa boqortooyada Ingiriiska ee qaatay diinta Islaamka

0

Meeshii ugu sareysay ee boqortooyada Ingiriiska ayaa xubno u dhashay Ingiriiska oo haystay diinta masiixiga waxa ay ku biireen diinta Islaamka. Halkan ka akhriso sheekada saddex xubnood oo ku gacan sayray inay u hoggaansamaan sharciyadii xilligaa jiray oo ay qeyb weyn ka ahayd aqoonsiga qofka u dhashay Ingiriiska, haysashada diinta masiixiga.

William Henry Quilliam ayaa billaabay inuu tixgeliyo diinta Islaamka kaddib markii uu arkay dad tukanaya oo ka soo jeeday Moroco, sannadkii 1887.

“Dadka aan badda Mediterranean-ka kula kulmay waxay ahaayeen kuwa aanan waxba ka cabsanin, waxaana isoo jiitay dareenkii ka muuqday wajiyadooda, oo ahaa mid ay gebi ahaanba ku dheehnayd kalsooni iyo daacad nimo,” Ayuu yiri.

Kaddib markii ay wax ka ogaadeen diinta, Quilliam oo 31-jir ahaa ayaa qaatay diinta Islaamka, isaga oo ku cabiray inay tahay “mid macquul ah, gaar ahaanna waxaan dareemay in ay waafaqsantahay waxa aan aaminsanahay”.

Inkastoo sharci ahaan ay adkeyd in magacyada la iska badalo, haddana Markii uu qaatay diinta Islamaaka ayaa waxa uu magaciisa ku badelay Cabdullaahi.

Ingiriiska ayuu dib ugu soo noqday 1887-dii, waxa uuna bilaabay inuu dadka ku wacyigeliyo in ay diinta Islaamka aaminaan, ku dhawaad 600 oo qof oo ku noolayd UK ayaa qaadatay diinta.

 

Wuxuu sidoo kale dhisay masaajidkii ugu horeeyay Britain oo laga dhisay Liverpool taas oo xilligaas loo arkay magaalada labaad ee boqortooyada UK.

Sannadkii 1884-tii, Sultaankii Cusmaaniyiinta oo taageero ka helayey Boqoradda Ingiriiska ayaa Quilliam u magacaabay madaxa dadka Muslimiinta ee ku nool dadka Ingiriiska.

Inakstoo isaga la soo dhoweeyay, haddana dad badan oo diinta Islaamka qaatay waxay la kulmeen nacayb iyo xadgudub ka dhan ah caqiidadooda sida.

Quilliam ayaa aaminsanaa in dadka weerrarada gaysta ay yihiin “kuwa maskaxdooda la badelay, loona sheegay inaan nahay dad xun.”