Waxay soo noqotay sarkaal sare balse hadda jidadka ayay laws ku iibisaa

0

Haweenay horay ugu soo dagaalantay hirgelinta nidaamka in hal xisbi ka taliyo dalka Itoobiya, ayaa hadda magaalada Mekelle ku wajahayso xaalad saboolnimo ah.

Birha Asebha, ayaa waxay nolosha ku qasabtay inay jidadka ku iibiso lows, dadaalo badan oo ay samaysay ayey ku waysay shaqo wanaagsan.

Ms Birha waxay ahayd sarkaal ka tirsan xisbiga (TPLF), oo afgambiyey nidaamkii Dergue 1991-kii, oo ahaa xisbiga kaliye ee dalka ka jiray tan iyo markii la doortay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed bishii April 2018.

Markii uu khilaafka dhamaaday, Ms Birha waxay ka mid ahayd kummanaan askar ah oo shaqadoodii waayay.

Ms Birha waxay go’aan ku qaadatay inay waxbarashada ku laabato si ay u hesho xirfado nolosheeda hormarin karo.

Waxay dhamaysay dugsiga sare, waxayna sidoo kale qaadatay shahaada kowaad ee luuqadaha 2014-kii.

Waxay shaqo ka heshay gobolka Tigray, waxayna bil walba qaadan jirtay mushaar gaaraya 205 oo doolar.Markii ay nolosheeda hormarisay, Ms Birha waxay sheegtay inay aasaastay urur caawiya dumarka, kuwaas oo wajahaya dhibaatooyin dhanka cabitaanka khamrada ah kuna nool xaalad adag.

Ururka ayaa ballaartay wuxuuna gaaray ilaa 300 oo xubnood, kuwaas oo isku muujin jiray taageero wanaagsan.

Ms Birha ayaa sheegtay in xisbiga TPLF uu amar ku bixiyey in ururka iyo howlaha ay qabanayaanba la joojiyo.

Markii ay dumarkan dalbadeen sababta keentay in ururkooda la xiro, balse ma aysan helin wax jawaab ah.

Xisbiga ayaa haweenaydan dacwad ku furay waxaana lagu soo eedeeyey inay lunsatay lacag gaarayso 10,000 oo doolar.

Maxkamadda ayaa dacwadda ku weysay waxaana laga riday xukunka.

Balse Ms Birha ayaa sheegtay tan markii ay dacwadda ku guulaysatay aysan u suura gelin inay shaqo ka hesho gobolka ay maamulaan TPLF, haddana ay lows ku iibiso jidadka magaalada.