Trump oo hanjabaad u diray Iiraan,xilli ay sii kordhayso xiisadda gobolka

0

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray digniin ku socota Iiraan,isaga oo sheegay in haddii labada dal uu dagaal ka dhex qarxo ay burburin doonaan Iiraan.

“Hadii ay Iiraan doonayso in ay dagaalanto waxa ay taasi rasmi ahaan noqon doontaa dhamaadka Iiran,” waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu bartiisa Tweetarka soo dhigay Axaddii.

“Mar dambe uma goodin dooonaan Mareykanka!”ayuu intaa ku daray

Mareykanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa uu gacanka Carbeed geeyay maraakiib dagaal taasi oo xiisadda sii murjisay.

Balse qoraalkan uu soo saaray Mr Trump ayaa ah isbadal cusub isaga oo dhawaan beeniyay suurtagalnimada dagaal dhexmara labada dhinac.

Maalmo ka hora yay ahayd markii uu madaxwayne Trump sheegay in Mareykanku uusan doonayn in cadaadiska Iiraan uu isu badalo dagaal.

Mar ay wariyayaasha Khamiistii waydiiyeen in Mareykanku doonayo in uu dagaal la galo Iiraan waxa uu ku jawaabay, Mr Trump: “waxaan rajaynayaa maya.”

Dhankooda Iiraan waxa ay beeniyeen walaaca ku saabsan in xiisadda ay dagaal isu badalayso.

 

Sabtidii wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in aanu aaminsaneyn in dagaal ka dhex qarxi doono Iran Iyo Mareykanka, iyada oo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Javad Zarif ayaa u sheegay wakaaladda wararka dalka Iiraan ee IRNA, in Tehran aysan rabin dagaal xilligan.

Waxaa uu intaa ku daray: “Dagaal ma jiri doono sababtoo ah ma dooneyno dagaal.

Xiisadaha u dhaxeeya Tehran iyo Washington ayaa cirka isku shareeray markii uu dhawaan Mareykanka sii xoojiyay cunaqabateynada uu saaray dhoofinta saliidda Iiraan.

Iiraan dhankeeda hakisay ballanqaadyadii heshiiskii caalamiga ahaa ee hubka Nugliyeerka, iyadoo ku hanjabtay in ay dib u billaabayso bacriminta Uranium-ka.

Iiraan dhankeeda hakisay ballanqaadyadii heshiiskii caalamiga ahaa ee hubka Nugliyeerka, iyadoo ku hanjabtay in ay dib u billaabayso bacriminta Uranium-ka.