Ingiriiska Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiyada Somaliland, Wada Hadallada Somalia Iyo Xadhigga Muwaadiniin Kala Duwan

0

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb Ben Fender oo maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa kulamo kula lahaa xisbiyada iyo xukuumadda Somaliland ayaa waraysi uu siiyay telefishanka Horn Cable waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan Somaliland.

 

Dawladda Ingiriiska ayaa hadda hoggaanka u haysa dalalka taageera Somaliland waxaana safiirka Ingiriiska la waydiiyay sababta ay ugu guulaysan la yihiin isu soo dhawaynta xisbiyada Somaliland waxaanu ku jawaabay “Dabcan arrinta doorashooyinku waa mid lagama maarmaan u ah dadka Somaliland in ay xal ka gaadhaan, balse waxaan u malaynaya in ay tahay su’aal muhiim ah doorashadii u dambeysay ee golaha Wakiilladu waxay ahayd 2005-tii run ahaantiina waa muddo dheer. Waxa aanu jeclaan lahayn in ay Somaliland noqoto meesha ugu wanaagsan waanay noqon karta, aragtidayadana taasi waa muddo dheer, sidaasi darteed waxaan ku boorrinaya xubnaha xisbiyada in ay isku dayaan in ay heshiis gaadhaan si ay suuro gal u noqoto in ay doorashooyinku xilligooda ku qabsoomaan dabayaaqada sanadkan.”

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Waxay ila tahay in ay tahay mid muhiim u ah sumcadda Somaliland, iyo in ay muhiim u tahay dhammaystirka siyaasadda gudaha ee Somaliland, waxaana jira dad da’yar ah oo aan waligood cod doorasho dhiiban wixii ka dambeeyay doorashadii baarlamaanka, sidaasi awgeed waxaan filaya in ay muhiim tahay in ay xisbiyada siyaasaddu raadiyaan tanaasulaad suurto galiya in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto dib u dhac la’aan, waxa muhiim ah in ay la yimaaddan xal siyaasi ah Ramadaan kadib.”

Danjiraha Ingiriiska waxa la waydiiyay sababta aanay dawladdiisu u cambaarayn xadhigga loo gaysto wariyeyaasha, mucaaradka iyo muwaadiniin kale oo loo arko in ay hagar daamo ku tahay dimuqraadiyadda Somaliland waxaanu ku jawaabay “Waan la wadaagaya walaaca falalkii dhawaanahan dhacay, balse waxay UK ka jawaabaysa in ay gacan ka gaysanayso in sharciga dalku shaqeeyo. Waxa aanu gacan siina garsoorka si uu u shaqeeyo hannaanka sharcigu, si aanu u horumarino oo loo xushmeeyo cabashooyinka dhanka xuquuqal iisaanka sidaasi awgeed waxaanu taageerna caddaaladda,” waxaanu intaasi raaciyay in ay garsooreyaasha iyo booliska ku tababaraan sida loo maamulo maxkamadaha iyo arrimo ku saabsan xuquuqal aadamaha.

Waxa kale oo wax laga waydiiyay wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo aan muddo dheer qabsoomin in ay u hayaan jid cusub maaddaama ay dalalka daneeya hormuud ka ahaayeen waxaanu yidhi “Waxa cad wada xaajood kasta oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho ama Hargeysa iyo Garoowe uu yahay mid aanay dawladahaasi mahadin, balse waxa aan u sheegaya siyaasiyiinta dhammaantood in aynu si aad ah gacan uga gaysano xidhiidh dhab ah oo kalsooni lagu dhiso, waxaana arrin muhiima ah in haddii ay tallaabadaasi qaadan ay taageero buuxda ka heli doonaan beesha caalamka waxaanan hubaa in arrintaasi iman doonto,”ayuu yidhi Danjire Ben Fender