Toban sano ka dib anigoo xor ah ayaan qoyskayda la afurayaa

0

Tan iyo intii uu dalka Itoobiya ka dhacay isbaddalka ayaa waxaa soo baxaya sheekooyiin kala duwan oo ku saabsan xaaladihii dalkaas ka jiray.

Sheekooyiinka ugu badan ee soo baxaya ayaa ah xaaladdii xabsiyada dalkaasi iyo maxaabiistii ku xirnayd.

Dadka ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ka mid ah meelaha ay ku yaaleen xabsiyada islamarkana ay maxaabiis badan ku xirnaayeen.

Qaar badan oo ka mid ah maxaabiistii ku jirtay xabsiyada deegaanka Soomaalida ayaa u xirnaa siyaasad iyo in ay ka tirsanaayeen jabhadda ONLF.

Cabdi Shafeec Cabdi waxa uu xabsiyada dalkaasi Itoobiya ku jiray muddo dhan 10 sano, balse imika waa xor.

Waxaa uu muddadaasi dheer ka dib markii ugu horeysay uu la afuray qoyskiisa.

Waxaa Cabdi loo haystay in uu ka tirsanaa jabhadda ONLF oo xilligii la xirayay ay dowladda Itoobiya u aqoonsanayd mid argagixiso.

Cabdi ayaa sheegay in uu soo maray xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalka Itoobiya.

“ilaah ayaa mahad leh aad ayaan ugu faraxsanahay in aniga oo xor ah aan la afuro hooyadeey iyo eheladeyda ” ayuu yiri Cabdi.

 

Wareysi gaar ah oo uu BBC siiyay ayuu Cabdi Shafeec Cabdi ku sheegay in sanadkii 2007 lagu xiray Jigjiga islamarkana jirdil halkaasi loogu geystay.

Waxaa uu intaa ku daray in uu soo maray 4 xabsi oo midba mar loo sii gudbinayay.

“Waxaa la i qabtay 2017 bishii July 16,waxaa la igu xiray jigjiga oo la igu garaacayay 9 maalmod, waa la iga sii qaaday waxaana la i geeyay xabsiga Ma’ikalaawi oo ah xabsi hoos u qodan, meel madow ayaa waxaan ku jiray 3 bilood iyo 7 maalmood intaana waa I garaacayay, “ayuu yiri Mr Cabdi.

Cabdi Shafeec Cabdi ayaa sheegay in muddadii uu xabsiyadaas kala duwan ku jiray uu la kulmay caqabado iyo dhibaatooyiin badan.

Waxaa uu sheegay in dadkii uu la xirnaa ay ahaayeen dad uusan fahmayn luuqadooda, diintooda iyo dhaqankooda islamarkana ay taasi ahayd dhibaato xabsi u dheereed.

“10-kaasi sano caqabado badan ayaa la kulmay, ugu yaraan 3 sano waxaan la noolaa dad aanan isku luuqad ahayn inta aanan baran luuqadaha ka hor, isku dhaqan iyo isku diin aanan ahayn dhib aad u wayn ayaana nagala soo darsay “, ayuu yiri Cabdi.

Waxaan la xirnaa dad aanan af aqoon.

Qoyska Cabdi

Ehelada Cabdi Shafeec Cabdi ayaa dhankooda farxad ka muujiyay in wiilkooda oo xirnaa 10 sano ay dib ula midoobaan.

Xaliim Wacdi Cabdi Kheyrane oo ah hooyada dhashay Cabi ayaa sheegtay in ay si aad ah ugu faraxsan tahay in wiilkeeda oo maqnaa 10 sano ay maanta la afurto.

“Alle ayaa mahad iska leh wiilkeyda Cabdi Shafeec Cabdi oo iga maqnaa 10 sano warna aanan xilligaas u hayn meel uu ku jiro inaan dib ula midoobo”, ayay tiri Xaliima.

Xaliim Wacdi Cabdi Kheyrane ayaa sheegtay in markii hore aysan fileyn in wiilkeeda oo nool ay dib u arki doonto balse ay arrintaasi dhacday ayna ku faraxsan tahay.

Markii uu isbadalka ka dhacay dalka Itoobiya ayaa waxaa xabsiyada laga siidaayay maxaabiis intooda badan u xirnaa dhanka siyaasadda.