Xafiiska madaxweynaha Kenya oo “waayitaankiisa” jawaab ka bixiyay

0

Xafiiska madaxweynaha dalka Kenya ayaa ugu dambayn ka jawaabtay eedaymihii Twitterka loo soo mariyay ee sheegayay in la la’yahay.

Afhayeenka madaxweynaha Kanze Dena oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay la yaabtay qaar ka mid ah Twitter-rada la soo qorayo, isla markaasna uu madaxweyne Kenyatta joogo isla markaasna uu shaqaynayo.

State House Kenya

✔ @StateHouseKenya

“I am shocked that people say they haven’t seen the President since he left China, yet on 3rd of this month he had a meeting with executives from Global Fund and there was a Statement about it” ~ @KanzeDena | @radiomaisha

59 people are talking about this

Baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayay arrintan waxayna afgarad ka dhigteen #whereisuhuru and #findpresidentuhuru oo macno ahaan u dhaw #away uhuru iyo #raadiya Uhuru

Dadka Kenyanka ah ee baraha bulshada isticmaala ayaa sheegtay in aan madaxweynaha la arag tan iyo markii uu Shiinaha aaday 23 bishii Abriil isaga oo raadiyay dayn lagu dhiso khadtareen oo casri ah taas oo ay ku baxayso malaayiin doolar.

justin thuita ?? @JustinTribly


Guys guys lets start a search where is our president im now worried.. We miss him@uhurukenyatta @RailaOdinga @WilliamsRuto

See justin thuita ??‘s other Tweets
Afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegtay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ujeedada uu madaxweynaha u tagay Shiinaha ay ka mid ahayd in uu dayn waydiisto.