Proff Samatar Oo Shaacisay Xisbi Soo Laaban Kara Haddii La Furo Ururada Somaliland

0

Prof Ismaaciil Samater ayaa sheegay in ay suurtagal tahay inay soo noqoto xuluufadii Siyaasadda ee gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, waxaanu ka sanqadhiyey inay xisbi ay ku midaysan-yihiin samaystaan marka axsaabta dib loo furo, isagoo sheegay in aanu jirin wax u diiday haddii ay u bixiyaan USP 2.

 

Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan ” Dee dadka qaarkii waxa laga yaabaa inay leeyihiin malaa waxa lasoo celinayaa jeegaantii ugu horaysay xaga siyaasadda ee Somaliland ka dhac-da oo la odhan jiray united Somali Party “USP” oo Awdal iyo Bariga fog ay labadaasi isku xidhmaan, taasi berigaana xalaal ayey ahayd iminkana wey xalaaloobi kartaa .”

Isagoo intaasi ku ladhay “Annigu xisbi ayaan ku jiraa la yidhaah KULMIYE xisbigaa waan daafacaa intii tamartaydu ay tahay inuu xisbigu noolaado waan jecelay oo uu sii socdo oo uu xarago, qurux badan iyo karti badan uu iminka keeno waan jecelahay .”

Dhanka kalene Prof Samatar ayaa sheegay in aanay wax uu diidayaa jrin beelaha daraf-yadu inay xisbi samaystaan marka axsaabta la furo “Laakiin wax ka joojinayaa ma jirto in xisbi cusub la helo USP-2 hala yidhaah-do ama magac kale haloo bixiyee wax ka joojinayaa ma jiro marka axsaabta la furo iyadoo taana aan rajaynayno inuu wakhtigeedii soo dhaw yahay in axsaabtii la furo oo dadku ay Xisbiyo cusub samaystaan.”

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka soo jeeda gobolka Awdal iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa muddooyinkii u dambeeyay Somaliland ka waday wacyi gelin siyaasadeed oo ay ula baxeen tabliiq siyaasi ah kaas oo ay meelo badan kaga hadleen sansaanka siyaasadda Somaliland ee maanta iyo mustaqbalkaba