Manchester City oo hanatay Horyaalka Ingiriiska

0

Kooxda Manchester City ayaa galabta ugu dambeyn dib ugu guuleysatay horyaalka Premier League-ga ingiriiska.

City ayaa soo afjartay loollankii adkaa ee ay kala kulmeysay kooxda ay aadka igu dhawaayeen ee Liverpool, taasoo rajo ka qabtay in horyaalka loo caleema saaro.

Wiilashada macallin Pep Guardiola ayaa markii hore gool looga naxsaday kulankii ay la ciyaarayeen kooxda Bringhton, laakiin 4 gool oo ay dib ka keensadeen ayaa u suurta galiyay inay xaqiijiyaan hanashada horyaalka xiisaha badan.

Man city ayaa laga sugayay inay maanta badiyaan, iyagoo ogaa in haddii ay libiqsadaan uu farahooda ka baxayo koobka haabaneysay Liverpool oo 2-0 uga badisay kooxda Wolves.

 

Horyaalkan ayaa loo arkayay inuu aad uga xiiso badnaa kii sannadkii hore ee ay City ugu guuleystay 100 dhibcood, sababtoo ah waxaa markan cagta cagta u saareysay Liverpool oo uu horyaalka uga vaxsaday faro ciddi leh.

City ayaa ku dhameysatay 98 dhibcood halka Livrpool oo 1 dhibic oo qura ka hooseysay ay heysatay 97 dhibcood.

Waxaa la ciyaaray kulankii 38-aad, ahna kulanka ugu dambeeyay tartanka horyaalka Premiere league.

Dhammaan 20-ka kooxood ee horyaalka uu ka kooban yahay ayaa wada ciyaarayay, koox walbana waxay dooneysay inay guul kusoo khatinto xilli ciyaareedka, laakiin qaarkood ayaa guul darro ku gabo gabeeyay.

Marka laga soot abo Manchester City, Brighton, Liverpool iyo wolves, oo isha si weyn loogu hayay.

Kooxaha kale waxay ahaayeen:

  • Arsenal oo 3-1 uga badisay Burnley
  • Crystal Palace oo 5-3 ku garaacday Bournemouth
  • Newcastle oo 4-0 dirtay Fulham
  • Leicester City iyo Chelea oo 0-0 iskula garab dhacay
  • Cardiff oo ku ciil baxday Manchester United 2-0-na ku xagxagatay
  • Southampton iyo Huddersfield oo 1-1 ku kala baxay
  • Tottenham iyo Everton oo muruqooda is tusay 2-2-na isla dhaafi waayay
  • Iyo Westham oo 4 iyo 1 ugu awood sheegatay kooxda Watford.

Dhanka kale, Weeraryahanka kooxda Liverpool Maxamed Salax ayaa abaal marinta kabaha dahabka ah ee lagu helo gool dhalinta ugu badan ee horyaalka waxa uu la wadaagayaa Sadio Mane oo ay isku koox yihiin iyo laacibka kooxda Arsenal Aubameyang.

Salah oo heystay 22 gool ayaa maanta ku guul darreystay inuu sii badiyo waxaana isla maanta kusoo gaaray Mane iyo Aubameyang oo kala dhaliya mid 2 gool.

Kun Aguero ayaa ku dhameystay 21 gool inkastoo uu maanta 1 gool u dhaliyay kooxdiisa Manchester City.