“Kursiga Uu Ku Fadhiyo Dhakool Waxa Ku Hoos Jira Lafaha Kuwii U Dhintay Inuu Xildhibaan Noqdo”…..Siyaasi Cali Guray

0

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland.

Siyaasi Cali Guray oo qoraal soo saaray ayaa luuqad adag ugu hal celiyey xildhibaan Dhakool isaga oo sheegay in aragtida uu aaminsan yahay ee ka soo horjeeda 18-ka May aan looga baahnayn somaliland isla markaana ay ahayd inuu la tago muqdisho ama Garoowe.

Siyaasi Cali Guray ayaa jawaabtiisa ku yidhi “Kursiga uu ku fadhiyo Dhakool hoostiisa waxa ku jira lafihii kuwii u dhintay in uu noqdo Xildhibaan Baarlamanka Somaliland ka mid ah
Hadii aanay kuwaasi u dhiman maanta si kale ayuu u ekaan lahaa, wuxuu u eekaan laha sidii uu ahaa intii aanu Hargeysa iman, !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Haduu neceb yahay guushii 18ka May Hargeysa muxuu u dhex joogaa? Xildhibaan Dhakool Laascaanood sadex habeen umuu hoyan, intii uu sheeganayay Xildhibaan ka soo jeeda Soolwaxtar iska daaye , reerlaascaanood irbad dun uma gelin, wuxuu ahaa kaboqaad calooshii u shaqayste ah. Kuwii ay dhaleen SNM-ta uu yasayo guushiii halgankoodu Hargeysa iyo Burco ayay dhex joogaan iyagoo shaqo la’aani laba diblaysay , kuwaas oo Dhakool uga ayaan roonaaday midhihii halgankii ay aabayaashood ku dhinteen.

Ha uga ayaan roonaado ee waxaan meesha qaban nin kastoo gob ahna aan ka suurtoobin digashada iyo tiikh tiikhsiga.

Curashada Aminta 18- ka May waxa u dhintay 50000 magaalooyin dhan ayaana u burburay Dhakool hadii uu nac iyo ciil u qabo kuwaa may ahayn inuu Hargeysa maanta dhex joogo ee Muqdisho ayay ahayd inuu dhex joogo, ama uu tago Puntland oo uu calanka buluukiga ah hoos hadhsado. Runtu waxaa weeye Dhakool Midna yeeli maayo oo tan ayuu ka helay wax aanu Muqdisho iyo Garoowe midna ka heli karin,

Xildhibaan dhakool edeb ha ku joogo oo afkiisa xun ha ka adkaado calooshiisa naca ciilka iyo naxligu jiifana ha ku haysto oo ha u dhinto isagu naciisa hadii uu wax isla hayo shalayba maalin bay ahayd isna Dhakool uun buu ahaa,

Qalinkii_Cali_Guray