Madaxwaynaha Dalka Uganda Museveni Oo Mar Kale Runta ka Sheegay Xaqiiqada Ka Jirta Soomaaliya!

0

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa markale Tusaale usoo qatay xalada ay ku sugan tahay Soomaaliya, waxaana uu sii madaxwaynwe museveni waxa Soomaaliya ka jira ku hogo tusaale qaarkamda mucaaridka dalkiisa iyo dadka dhalila siyaadiisa,

Madaxweynaha Uganda ayaa si adag ula hadlay fanaanka Bobi wine oo siyaasi isku badalay, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay inuu Soomaaliya aado oo uusan carqaladeyn nabadda dalka Uganda.

Museveni oo 75-jir ah ayaa Somalia u soo qaato Tusaalayaasha ugu xun-xun, waxa uu ku booriyey kuwa isaga Mucaaradka ku ah inay aadaan Somalia oo ay deganaansho la’aan ka jirto, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Horumarinteena waxaa hareeyay nabada aan abuurnay, Shaqooyinka wey imaanayaan sababtoo ah Nabadda iyo xasilloonida aan heysano, waa sababta keentay in qof kasta uu isku dayo inuu nabad helo, waxaan maqlayay kuwa dadka madadaaliya oo sheegaya in Uganda aysan nabad ahayn, Uganda waa deggan tahay, ma aha sida Somalia oo kale, waan qabnaa Fannaaniin. Waxay aadi karaan Somalia oo ay Riwaayado ka dhigi karan halkaasi” ayuu yiri Museveni.

Hadalka Museveni ayaa u muuqda mid uu ku garaacayo Fannaanka Bobi Wine oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Uganda, mucaaradna ku ah Madaxweyne Museveni iyo Maamulkiisa.

Xildhibaankaasi mucaaradka oo 37-jir waxa uu si cad u dhaliilaa Madaxweyne Museveni, taasi oo keentay in dhowr jeer la xiro, iyadoo ay Booliska ka hor joogsadeen 130 Riwaayado oo uu ka dhigi lahaa dalkaasi tan iyo sannadkii 2017-kii.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu si kulul u eedeyey Xildhibaanadda Barlamaanka dalkiisa oo uu sheegay inay doonayaan in loo kordhiyo Mushaarka, balse ay gaashaanka ku dhuftaan Maalgelinta Mashaariicda muhiimka u ah Horumarinta Qaranka.