Madaxii Hore Ee Sirddoonka Itoobiya iyo 25 Ka Mida Saraakiishii Sirddoonka oo Dacwad Lagu Soo Oogay

0

Madaxii hore ee sirddoonka dalka Itoobiya iyo 25 kamid saraakiishii sirddoonka dalkaasi ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay geysteen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Getachew Asefa oo ahaan jiray madaxii sirddoonka dalka Itoobiya ayaa xilka laga qaaday markii ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu isbaddallo ku sameeyay hoggaanka dalkaasi.

Getachew iyo afar sarkaal ayaa la maxkamadeynaya iyaga oo maqan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Sannadkii lasoo dhaafay, saraakiil sare oo ay kamid yihiin, Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Tigreega waxay sheegeen in madaxii hore ee sirddoonka Getachew uu ku dhuumaaleysanayo gobolkii uu kasoo jeeday ee Tigreega balse dadaal dheer oo lagu doonayo in lagu soo qabto ninkan ayaa fashilmay.

Wakaaladda wararka ee AFP waxay sidoo kale ku warrantay, inay jiraan warar ah in saraakiil ku sugan gobolka ay gabaad siinayaan Getachew balse arrintan lama xaqiijin.