Guushii Liverpool oo xalay Gil Gishay Caalmaka Cayaaraha Kubada cagta daawada

0

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa markii laysku soo laabtay waxay kooxda Liverpool bilawday weeraro joogto ah oo ay ku qaaday goolka kooxda Barcelona kuwaas oo keenay in daqiiqadihii 54aad iyo 56aad uu laba gool oo daran doori ah isku raaciyo weeraryahanka GeorginioWijnaldum, halka daqiiqadii 79aad ee ciyaartana uu goolkii afaraad ee guusha uu raaciyey Divock Origi.

 

Kooxda Barcelona ayaa dedaal badan oo ay samaysay aanay u suura gelin inay dhaliso wax gool ah, taas oo ugu dambayn keentay in Liverpool ay u gudubto ciyaarta kama dambaysta ah ee taranka Champion League, kaas oo ay ku gaadhay hab mucjiso ah.

Kooxda Liverpool ayaa si layaab leh ugu soo baxday ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka kooxaha yurub ee Champion League.

Liverpool 3-0 Barcelona - Champions League semi-final: Live score and updates (3-3 agg)

 

Kooxda Liverpool ayaa lugta labaad garoonkeeda Anfield ku soo dhawaysay kooxda dalka Spain ee Barcelona oo ciyaartii hore ay ka soo gaadhay guul daro sadex iyo waxba ah.

Guul aad u muhiim ah oo ay haysatay kooxda Barcelona ayaa faraheeda ka baxday qaybtii labaad ee ciyaarta ka dib markii ay goolal daran doori ah isku raacisay kooxda Liverpool.

 

Weeraryahanka DivockOrigi ayaa daqiiqadii 7aad ee ciyaarta furay bandhiga goolasha ee kooxda Liverpool, iyada oo qaybtii hore ee ciyaartu ay ku soo dhamaatay hal gool iyo waxba ay ku hogaaminayso Liverpool.”