Aduunka Ya Ugu Shaah Cabid Badan, Shaaha Kulul Maxaase Khatar ka Dhalan kara

0

Seynisyahanada ayaa baaraya suurtagalnimada ah in Shaaha kulul oo aad cabtid aad ka qaadi kartid Kansarka ku dhaca cunaha.

Khuburada waxay ka dhawaajiyeen in shacabka ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan Galbeedka ay yihiin dadka adduunka ugu cabidda badan Shaaha aadka u kulul. Waxay arrintan imaaneysaa xilli kiisaska la xiriirka cudurka Kansarka ay kusoo bateen deegannadaas.

Daraasadda oo lagu daabacay Journal falanqeeyo Kansarka ayaa lagu sheegay in cuntada kulul ay horseedi karto Kansarka balse wax caddeyn oo buuxo ah lagama soo saarin baaritaankaas.

Seynisyahanada waxay sidoo kale sheegeen inay si qoto dheer u dersi doonaan arrintan tan iyo inta laga helayo caddeymo laisku haleyn karo.

Journalka Cancer Epidemiology ayaa soo bandhigay sawir muujinayo dalalka ay daraasadda ka sameeyeen, waxay sheegeen in shacabka ku nool galbeedka Kenya ay cabaan Shaaha heer kulkiisa uu gaarayo 72.1C.