Warkii Uu Baashe Cawil Qoray Ee Uu Lacagta ku Bixiyey Soo Daabacaaddiisa, Ayuu Hadana War Cusub Inooga Dhigay” Yuusuf C, Gaboobe.

0

Qoraa Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa Tafaasiil ka bixiyay cidii bilowday qorshaha dawlada Kenya ku doonayso in ay somaliland xidhiidh diblamaasiyadeed la yeelato kana furato xafiis kaasi oo uu sheegay in ay hindisihiisa lahayd wasiirkii hore ee arimaha dibada Kenya Marwo Aaamina.

Sidoo kale Qoraa Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in warar  dhawaan lagu daabacay warbaahinta dalka  in ay  qoreen wargaysyo Kenya kasoo baxaa ay   yihiin kuwa hore qaarkood loo daabacay balse xiligan uu dhaqaale u bixiyay Safiir Baashe Cawil  Isagoo qoraal uu arintaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“In Kenya ay ku talo jirto inay xafiis ka furato Hargeysa waxa markii ugu horaysay la iclaamiyey xiligii ay wasiirka arimaha Dibadda ee Kenya aheyd Ms Aamina iyadoo sheegtay in qorsheyaasha dibloomaasiyadeed ee Kenya ay ka mid tahay inay xafiis ku yeeshaan Somaliland dadka Kenyaanka ee badan ee ku nool Somaliland iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal u dhaxeeya darteed.Xiliga wakiilka u fadhiya Kenya wuxu ahaa Dhakaar.

Warkan uu qoray Baashe Cumar( wakiilka Somaliland ee Kenya) ee Hadhwanaag soo tabisay waxa aan hore ugu arkay wargeysyada the Nation & the Standard ee Kenya laakiin labadaas wargeys waxay kusoo daabaceen qaab warbaahintu isla taqaan oo la yidhaa ” news advertisement” ama ” war xayeysiis ah” taasoo macnaheedu yahay war lacag lagu bixiyey.Isla warkii uu Baashe qoray ee uu lacagta ku bixiyey soo daabacaaddiisa ayuu hadana war cusub inooga dhigay oo uu war ka sameeyey oo isagoo Afsoomaali ah uu Hadhwanaag kusoo baxay.