Soomaali lagu laayay dalka Itoobiya

0

Ugu yaraan 11 ruux oo Soomaali ah ayaa lagu laayay gobolka Siti, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Cabdullaahi Maxamed Mawliid oo ah wasiirka warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

“Malayshiyo Canfar ah oo hubaysan ayaa dadkaas laysay waxayna dhaawaceen ugu yaraan afar ruux oo kale” ayuu intaas ku sii daray.

Xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in ay billawday baaritaan ku aadan sababta dadkaas loo laalay.

Wali nooma suuragalin in aan masuuliyiinta Carnfarta helno si wax uga waydiinno dadkan Soomaalida ah ee la laayay.

Dareen xuduudo la xiriira ayaa mudooyinkii dambe ku sii xoogaysanayay deegannada Soomaalida ee xuduudda la leh gobolka Canfarta.

 

Arrintan ayaana ku soo aadaysa iyadoo shalay la soo gabogabeeyay shir nabadeed oo la gu soo afjarayay colaadda Oromada iyo Soomaalida.

Boqollaal kun oo ruux oo collaadaas ka qaxay ayaana wali barakacayaal ku ah gudaha dalka Itoobiya.

Inkastoo colaadda Soomaalida iyo Canfarta ay ka baaxad yar tahay middii Oromada haddana way soo laalaabatay haddaba wasiirka oo BBC la hadlay ayaan waydiinay sababta aan wax looga qaban la’nahay.

“Xukuumadda deegaanka iyo maamulka gobolkaba iyo dawladda faderaalka ahba masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta shacabka, waxaana ka shaqaynaynaa in arrintan oo kale aysan soo noqon” ayuu yiri Cabdullaahi.

“Waxaa jira dhul la isku haysto si nidaamsan oo sharci ah ayaana lagu kala bixi,”

“Muhiimaddu ma aha in aan ciidammada Liyuu booliiska amarno oon dhahno saaka dagaal gala, balse muhiimaddu waa in aan nidaam dastuuri ah marno oo sharcigu sida uu ogol yahay aan dadka wax ugu qabanno”.

Haddii taas la waayo annaga ayay noo taallaa wayna caddaan doontaa ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay Cabdullaahi.