Siyaasi Duur Muxuu Ka Yidhi Xaaladaha Amni Ee Taagan, Doorka Xukuumada Iyo Kaalinta Shacabka

0

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo hore u soo qabtay xilka wasiirka arimaha gudaha ayaa ka hadlay waajibka xukuumada ka saaran arimaha amaanka iyo kaalinta shacabku ku leeyahay.

Siyaasi Duur oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayo xaaladaha dhinaca amniga ee taagan, xukunkii deg degaa ahaa madaxweynuhu ku soo rogay gobolka Sanaag iyo dilkii saraakiisha ayaa waxa uu ku yidhi:-

“Xukuumada waxay u baahantahay : inay nabadgelyada sugto iyo gacangelinta danbiilayaashii Dilkii saraakiisha gaystay iyo danbiile kasta oo gaysta fal kasta oo sharciga ka hor imanaya, shacabkuna wuxuu u baahanyahay : inaan lagu xad gudbin xuquuqda muwaadinka iyo xoriyada asaasiga ah ee shakhsiga.

Labadan midna uma baahna Ansixinta xukun degdega, Markaa golaha go’aankiisa cidna yay sharaysan.”