Mucjiso lagu arkay dalka Australia?

0

Wakaaladda duurjoogta Australia ayaa shaacisay sawirka seddexda indhood leh oo marki ugu horreysay lagu arkay waqooyiga dalka Australia.

Wakaaladda duurjoogta Australia waxay sawirka maskaasi ku baahisay baraha bulshada. Maskan oo ay wakaaladdu ku magacaawday Monty Python waxaa la helay bishi March wuxuuna dhintay todobaad kaddib marki la helay.

Khubarada arrimaha duur joogta ku xeel dheerna waxay sheegeen maska seddexda indhood leh ee la helay inuu qayb ka yahay isbeddelka cimilada ee dunida ka taagan.

Maska waxaa laga helay magaalada Darwin oo ku taallo Koonfurta-Bari ee dalka Australia.

Khubarada wakaaladda duurjoogta Australia waxay sheegeen iney Maska ay saareen raajato (X-ray) ayna ogaadeen inuu masku laba madax lahayn isla-markaana seddexda indhoodba uu wax ku arko.