Wiil Soomaali ah oo booliis ka ahaa Maraykanka oo dambi lagu helay

0

Wiil Soomaali ah oo askari ka ahaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay in uu dilay haweenay reer Australia ah oo aan hubaysnayn.

Maxamed Nuur ayaa toogasho ku dilay Ruszczyk Damond oo qaabishay dhanka gaariga uu askarigu ku jiray iyada oo rabta in ay ku wargaliso in ay ka shakiday in guri ay daris yihiin oo Minneapolis ku yaalla uu kufsi ka dhacayo, arrintaasina waxay dhacday 15 Luulyo ee sannadkii 2017.

Maxamed oo 33 jir ah ayaa toddobaadkii hore qiray in uu rasaasta furay isaga oo ka baqaya in isaga iyo askarigii la shaqaynayay weerar gaadmo ah lagu soo qaaday.

Damond ayaa 40 sano jirtay waxayna ahayd macallimad dhigta jimicsiga yoga loo yaqaanno, waxayna ka soo jeeday magaalada Sydney.

Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay, Ra’iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay “mid aan ka daadagayn”.

Maxamed oo gacamaha ka xiran ayaa xabsi loo taxaabay isla markii ay guurtidu ku heleen dambi heerka saddexaad ah iyo dil aan kas ahayn oo heerka labaad ah, xukunkaasina wuxuu dhacay Talaadadii.

Waxaa lagu waayay dambiyadii halista ahaa ee dilka heerka labaad ah iyo in uu si ula kac ah u dilay.

Guurtida ayaa dhagaysatay in gabadha oo haysatay dhalashada Maraykanka iyo midda Australia in ay dhimatay daqiiqado uun ka dib markii ay la hadashay ninkii ay u doonanayd.

Gacaliyaheeda Don Damond ayay u sheegtay in booliis u yimid ka dib markii ay u wacday si ay ugu wargaliso macquulnimada in tacaddi galmo uu agteeda ka socdo. Balse wax dhib ah oo dariskeeda ka dhacay lama sheegin.

 

Nuur oo ka sheekaynaya sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay in uu rumaystay in ay halis ku soo wajahantahay markii uu maqlay dhawaq isla markaasna arkay Damond oo gacanteeda midig taagaysa.

Maxamed ayaa sheegay in askari Matthew Harrity oo ay wada shaqaynayeen uu ku dhawaaqay “”Oh Jesus!” uuna ku soo laabtay isaga oo buskooladdiisa la soo bixi raba “cabsina ay wajigiisa ka muuqato”.

Maxamed wuxuu sheegay in markii ay u caddaatay in uu toogtay qof aan hubaysnayn ay la noqototay in ay dunida uga dhammaatay.

Dacwad oogeyaasha ayaa su’aal galiyay dhabnimada dhawaqa uu Maxamed sheegay in uu maqlay, iyaga oo tilmaamay in isaga iyo askarigii la hawlgalayay uusan midna markii hore xusin wax dhawaaq ah oo ay ka maqleen goobta uu dilku ka dhacay.

Baaritaankii la sameeyay ayaa sidoo kale muu jiyay in Damond aysan taaban gaariga askarta maadaama oo aan sawirka faraheeda laga helin.

Gabadhan ayaa magaaladaas u tagtay si ay u guursato Don Damond oo ay wada socdeen.

 

Baareyaashii gacanta ku hayay kiiska gabadha ayaa u yeeray Damond oo ku sugnaa Las Vegas, Nevada, si ay ugu wargaliyaan in ay dhimatay gacalisadiisii.

Maxkamadda ayuu ka sheegay in wicitaankii labaad uu ku ogaaday in askari booliiska ka tirsan uu toogtay gabadha.

Damond ayaa sheegay “in taleefankii ugu xumaa ee uu abid diro” uu ahaa midkii uu hawsha gabadha ugu sheegayay qoyskeedii Australia ku sugnaa.

Maxamed ayaa qaxootinimo ku tagay Maraykanka isaga oo qoyskiisa la socda waxayna dageen Minneapolis.

Booliiska ayuu ku biiray sannadkii 2015kii, balse shaqada ayaa laga tiray ka dib markii lagu soo oogay dacwadda toogashada.

Janeé Harteau oo markaas ahayd taliyihii booliiska ee Minneapolis ayaa iyadana shaqadeedii ku wayday arrinta Maxamed, guuldarradii dorashada ka soo foodsaartay duqa magaalada bilooyin ka dib ayaa iyagadana loo saariyay dilka uu Maxamed gaystay.

Qoyska Damond ayaa dacwad ku furay magaalada iyo dhaw ruux oo booliiska ka tirsan iyaga oo dalbaday 50 milyan oo doolar oo magdhaw ah.

Medaria Arradondo oo ah taliyaha booliiska Minneapolis ayaa raali galisay qoyska Damond iyo saaxiibbadeed isaga oo war qoraal ah soo saaray ka dib markii la shaaciyay xukunka Maxamed.

“Arrintan ayaa runtii ahayd masiibo murugo badan oo saamaysay, qoyska, saaxiibbada, dariska, magaalada Minneapolis iyo dadka dunida oo dhan, si gaar ahna waxay u taabatay dadka dalka Australia”. Ayuu intaas ku sii daray.

 

xigasho bbc