“Aniga Waxa Iga Yaabiyay Mawqifka Cirro, Hadaba MUUSE Kursi Uu Iskaga fadhiyo Wuu ku Fadhiyaaye, Isagu Muxuu Ku fadhiyaa?Cali Guray.

0

HA FADHIDO FAROW-2

Aniga waxa iga yaabiyay mawqifka Cirro. Laba xisbi iyo sadex xisbi midna doorasho qaban maayaan taasina waa qof waliba kursigii loo doortay mar ha iskaga fadhiyo inta uu nool yahay.

Hadaba MUUSE kursi uu iskaga fadhiyo wuu ku fadhiyaaye isagu muxuu ku fadhiyaa? Ma labaatanka xildhibaan ee uu haystaa ha iskaga fadhiyaan kuraasida ayuu siisanayaa wax kasta. Hadda 50 xildhibaan oo Kulmiye ahina way ku fadhiyayaane ha u daymo la’aan dheh.

Saleebaan iyo Golihiisa iyo Mayor-da oo cidda ay kala yihiin la garanayana ku dar. Hadii tiisaba loo raaco oo doorashaba la iskala tago saw ha fadhido Faraw maaha. Mise intaa muu garan waayine xumbuli-yeega laftiisu ha ku dhintay gacanta Muuse oo yaan wax Somaliland la yidhaaba ka dambayn ayuu mawqifkiisa la yaabka lihi daaran yahay. Taasi waa daroo Ha lagu baandheeyo mar kale saw maaha? Hadaa waan fahmi karaa.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF(CALI GURAY)