Norway oo qabatay “Nibiri jaajusnimo looga shakiyey “oo laga leeyahay Ruushka

0

Nibiri looga shakiyey jaajuusnimo oo ay tobabareen ciidamada badda ee Ruushka ayaa lagu qabtay xeeb ku taalla dalka Norway, sida ay sheegeen khubaro ka soo jeeda Norway.

Khabiir lagu magacaabo Audun Rikardsen oo ku takhasusay arrimaha badaha ayaa sheegay in Nibiriga lagu xiray qalab casri ah, kalluumaysade u dhashay Norway ayaa ku guulaystay inuu ka soo saaro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in saynisyahan u dhashay Ruushka uu u sheegay inaysan ahayn kuwa ay isticmaali lahaayeen saynisyahannada Ruushka.

Ruushka ayaa xarun ciidan ku leh deegaankaas.Prof Rikardsen ayaa BBC u sheegay “madaxa ayaa loogu duubay qalab casri ah oo duuba muuqaalada iyo codadkaba”, waxa uu sidoo kale sheegay in qalabka lagu xiray uusan ahayn kaamirada caadiga ah.eneraal u dhashay Ruushka oo horay buug uga qoray xayawaanaadka sida militariga loo isticmaalo ayaa eedeynta Norway ku tilmaamay waxba kama jiraan. Balse ma uusan dafirin inay dhici karto inuu ka soo baxsaday ciidamada badda ee Ruushka.Rikardsen, oo bare jaamacadeed ayaa sheegay in xayawaanada badda sida Nibiriga ay yihiin kuwa aad u aqli badan, aadna u furfuran lana tababari karo sida eyga oo kale.

Waxa uu sheegay inay adagtahay in laga saaro qalabka balse ay u suura gashay kallumayste ka soo jeeda Norway.

“Saddex maalmood ayaan aragnay nibiriga , cuno ayuu raadsaysay,” ayuu BBC-da ku yiri.

“Hadda waa mid adag haddii uu Nibiriga isku dayo inuu cuno cuntooyinka dabiiciga ah, haddii kale doonta ayuu ka soo bixi oo badda ayuu dhex geli.”

Xilligii dagaaladdii qaboobaa, ciidamada badda ee Maraykanka waxay ay hirgeliyeen mashruuc khaas ah oo lagu tobabarayo xayawaanada badda ku dhex nool.

Bogga ciidamada badda ayaa sidoo kale lagu daabacay in xayawaanada loo isticmaalo inay ka hortagaan waxyaabaha aan sharciyeysnayn ee dhibaatayn kara maraakiibta ciidamada.

Ciidamada ayaa howlgeliyey xilligii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 2003-dii.