Donald Trump: lacag baan si dhibyar uga soo dhacsaday Sacuudiga

0

Warbaahinta Carabta ayaa maalmahan aad u hadal haya hadal ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo sheegay in qaab xeeladeysan uu ku helay lacag dhan shan boqol oo milyan oo doolar, kadib markii uu wacay boqorka Sacuudiga, Boqor Salmaan.

Trump oo ka hadlayay isu soo baxa hal ku dhigiisu yahay “Make America Great Again” ayaa sheegay in Sacuudiga ay yihiin xulafo wanaagsan oo dhaqaale badan soo geliyay shirkadaha Mareykanka

“Waxa kaliya ee ay heystaan waa lacag caddaan ah, waxay naga iibsadaan waxyaaba badan, horayna waxay nooga iibsadeen 450 bilyan oo doolar”, sidaas waxa yiri Donald Trump.

Wuxuu intaa raaciyay inay jiraan dad doonayay in xiriirka loo jaro Sacuudiga, balse isaga uusan dooneyn in uu lumiyo Sacuudiga.

Trump ayaa sidoo kale dadweynihii uu u khudbeynayay uga warramay wadahadal khadka taleefonka ku dhexmaray isaga iyo boqorka Sacuudiga, kaas oo uu lacag badan kaga dalbaday dalkan qaniga ku ah saliida ee Sacuudiga, si uu ugu badasho taageerada milateri ee uu Mareykanka siiyo dowladda Sacuudiga.

“In aan difaacno Sacuudiga waxaa inooga baxa 4.5 bilyan oo doolar, waxaan wacay boqor Salman, waxaan ku iri dhageyso, sidaas ma wanaagsana”, ayuu raaciyay Trump

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in boqorka uu ka naxay hadalkaas, sababta na wuxuu ku sheegay in waayihii dambe aysan jirin cid sidaas ula hadashay madaxda Scauudiga.

Trump oo ka sii sheekeynaya wixii dhexmaray isaga iyo Boqor Salman ayaa yiri:

“Waxaan boqorka ku iri 4.5 bilyan oo doolar ayaa kuugu ilaalinaa sanad walba, mana sameyn karno wixii hadda ka dambeeya oo waa waali, Boqor Salman hadalkii ayuu ka xumaaday oo waa uu xanaaqay, wuxuna yiri sidan caddaalad ma ahan, aniguna waxaan ku iri waa caddaalad, kadibna wuxuu yiri waxaan ku siinayaa shan boqol oo milyan oo doolar, aniguna waxaan ku iri waxaan rabaa wax ka badan”sidaas waxaa dadweynihii ka soo qeybgalay isu soo baxa u sheegay Donald Trump.

Dood dheer kadib ayuu Trump sheegay in ugu dambeyn ay ku heshiiyeen in Sacuudiga uu ka qaato nus bilyan doolar, waxaana uu u muuqday qof ku faanaya lacagta badan ee uu ka helay Sacuudiga.

Sidoo kale madaxweyne Trump ayaa sheegay in hal wicitaan oo kaliya uu ku helay lacagta intaas dhan, taas oo laga dheehan karo in haddii caddaadis ay saari lahaayeen Sacuudiga ay ka heli lahayeen lacag intan ka badan.

Dowladda Sacuudiga oo ay bariga dhexe isku hayaan dalal ay kamid tahay Iran ayaa madaxweyne Trump wuxuu horay u sheegay in dowladda Sacuudiga aysan sii dhisnaan karin laba asbuuc, haddii Mareykanka uu meesha ka baxo.

Dhanka kale warbaahinta qaar aya su’aal geliyay sax ahaanshaha in Sacuudiga uu Mareykanka ka iibsado hanti dhan 450 bilyan oo doolar.

Hadalka madaxweyne Trump oo u muuqday mid uu ku faanayo qaabka uu lacagta uga helay Sacuudiga ayaa ilaa iyo iminka waxan ka hadli dowladda Sacuudiga.

Mareykanka oo Sacuudiga ka taageero dhanka milateriga, gacanna ka siiyo dagaalka uu ka wado Yemen ayaa inbadan lagu cadaadiyay in uu joojiyo taageerada milateri ee uu siiyo Sacuudiga, waxaana dowladda madaweyne Trump aad loogu dhaliilay sidii ay u garab istaagay dowladda Sacuudiga oo lagu eedeeyay dilka wariye Jamaal Khashoggji oo CIA-da Mareykanka ay sheegtay in uu wax ka ogaa dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salman.