Qaraabada ninkii looga shakisnaa weerarrada Sri Lanka oo la laayay

0

Abaaha dhalay ninka lagu eedeeyay in uu maleegay weerarradii bambooyibka loo adeegsaday ee Axaddii ka dhacay Sri Lanka Zahran Hashim ayay laamaha ammaanku dileen Jimcihii, sida uu booliisku sheegay.

Zahran Hashim oo isku qarxiyay hoteel ku yaalla Colombo ayaa aasaasay koox lagu magacaabi NTJ oo hadda la mamnuucay.

Booliiska ayaa hawgal ka fuliyay xaruntii ugu waynayd ee kooxdaas oo ku taalla magaalada Kattankudy oo ku taalla dhanka bari ee dalkaas.

Madaxweynaha Sri Lankan ayaa ku dhawaaqay in la mamnuucay in wajiga la qarsado arrintaas oo loola jeedo indho shareerka dumarka Muslimka ah, arrintaas ayaana dabo socota weerarrada dhacay.

Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday Kiniisado iyo hotteeello waxaana lagu dilay ugu yaraan 250 ruux.

Axaddii waxaa la baajiyay in kiniisadaha Siri Lanka cibaado loo aado, balse dadka caasimadda ku nool ayaa isku arruursaday bannaanka kiniisadda St Anthony oo aad ugu burburtay weerarka.

Siday ku dhinteen qaraabada Hashim?

Laamaha ammaanka ayaa hawlgal ka fuliyay meel u dhaw Kattankudy oo ah meesha uu ka soo jeedo Hashim maalintii Jimcaha.

Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay ciidammada oo ku sii socda sida ay booliisku sheegeen, saddex nin ayaana qaraxyo gaystay iyaga galaaftay lafahoodii, lix carruur ah iyo saddex dumar ah, saddex ruux oo kalana waxay ku dhinteen rasaas.

Qof ka mid ah qaraabada dhaw ayaa BBC-da u xaqiijiyay in hawlgalka ay ku dhinteen Hashim aabihii iyo labo walaalladii ah.

Ilo ka tirsan booliiska oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa saddexda nin ee dhimatay magacyadooda ku kala sheegay Maxamed Hashim iyo wiilashiisa oo kala ah Zainee Hashim iyo Rilwan Hashim.

Saddexdaasba waxaa lagu arkay muuqaal aad la isugula wadaagay baraha bulshadu ku xiriirto kaas oo ay ku baaqayaan in dadka oo dhan ay u istaagan dagaal ka dhan ah dadka aan tawxiidka rumaysnayn, ayay intaas ku sii dartay wakaaladda wararka ee Reuters.