Wargeyska East African Business Week ee Kasoo Kampala Uganda aya Qoray heshiis Dhexmaray labada dal ee Ireland iyo Somaliland

0

Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ireland ayaa ka doonaya inay kor u qaadaan cilaaqaadka ganacsi ee u dhexeeya labada dal.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa soo turjuntay warbixin uu maanta daabacay Wargeyska East African Business Week, oo dalka Yuganda, kaasi oo qoray in “Somaliland iyo Ireland ay ka shaqeynayaan cilaaqaadkooda Ganacsi.”

Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar iyo Danjiraha Ireland u fadhiya Kenya Mrs. Lisa Doherty oo ku kulmay Nairobi ayaa ka wada hadlay sidii labada waddan iska kaashan lahaayeen dhinacyada beeraha iyo Dhaqaalaha.

Sida Wargeyska East African Business Week, danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Md. Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in Ireland muhiim u tahay Somaliland, waxaanu xusay inay ka faa’iidi doonaan khibrad la xidhiidha sida loo hirgeliyo kobcinta dhaqaalaha.

Wakiilka Somaliland ee Kenya wuxuu sheegay in labada dawladood ee Somaliland iyo Ireland ay sidoo kale adkeynayaan cilaaqaadkooda siyaasadeed,isla markaana ay sameyn doonaan fursado ku wajahan dhinaca iskaashiga dhaqaalaha.

Sidoo kalena waxa habeen hore danjire Baashe Cawil uu la kulmay Safiirrada dawladaha Austri, , Finland iyo Faransiiska u jooga Kenya, waxaanu kala hadlay sidii loo taabogelin lahaa cilqaadka Somaliland la leedahay dalalka Yurub.