Soomaaliya oo kasoo dhex muuqatay liis halis ah oo uu soo saaray Mareykanku

0

Soomaaliya oo kasoo dhex muuqatay liis halis ah oo uu soo saaray Mareykanku

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadashay waddamada ugu halista badan Caalamka ee ay tahay in ay ka fogaadaan muwaaddiniinteeda.

Waddamadan oo guud ahaan ka kooban 35 dal, ayaa loo kala sameeyay heerarka 4aad, 3aad, 2aad iyo 1aad.

Heerka ugu halista badan waxaa uu yahay midka 4aad,waddamada kujira waxaa ka mid ah Soomaaliya,waxaana loo aqoonsaday in ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee lagu afduubto dadka Mareykanka ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa uga digtay muwaaddiniinteeda in guud ahaan heerka 4aad waddamada ku jira ay u safraan halka heerarka kale la faray in ay feejignaadaan.

Haiti

Iran

Iraq

Libya

Mali

Somalia

South Sudan

Syria

Venezuela

Yemen.