Maxay Yihiin Eedaymaha Loo Haysto Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon?

0

Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo 17 bishan ciidamada boolisku ka soo qabtay suuqa Burco ayaan wali dacwad rasmi ah lagu soo oogin laakiin, garyaqaanka difaacaya ayaa iftiimiyay in eedaha hordhaca ahi tilmaamayaan in lagu haysto aragtiyihiisa uu ku qoro baraha bulshada.

Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo difaacaya Coldoon ayaa tilmaamay eedaha hor dhaca ah ee lagu soo oogi doono Coldoon “In kastoon dawladu dacwad Rasmi ah ku soo oogin suxufi Abdilmalik Musa Coldoon balse Eedaha Hor dhaca ah ee loo haysto suxufiga waxay yihiin inuu Baahiyay warbixino lidi ku ah qaranimada somaliland iyo Dacaayadayn Madaxda sare ee dawlada ah oo uu qaab maqal iyo muuqaal ah ku baahiyay,” sidaas ayuu ku yidhi Mubaarik qoraal uu ku baahiyay boggiisa.

Waxa uu intaasi raaciyay in aanay aragtida qofku dambi ahayn “Anigu markaan fikiray waxay si buuxda u cadaynaysa in suxufiga loo xidhay qoraaladiisa uu ku baahiyo baraha bulshada ee uu ku dhaliilo xukuumada ,Abdilmalik Musa Coldoon waxa uu u xidhan yahay aragtidiisa Aragtiduna dembi maaha oo dastuurka dalka ayaa u damaanad qaaday Muwadiniintu inay cabiraan Afkaartooda.”

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ogolaatay in dacwadda Coldoon lagu qaado maxkamadda gobolka Maroodijeex kadib markii guddoomiyaha maxkamadda Maroodijeex amray in kiista lagu qaado Burco laakiin, xeer ilaalinta iyo booliska oo arrimo ammaan dartood u sheegay in aan Burco lagu qaadin ayay toodu socotay.