Wareysigii dhex-maray jilaaga caanka ah ee Akshay Kumar iyo Ra’iisul wasaaraha Hindiya

0

Dalka Hindiya ayaa galay jawi doorasho ah, codaynta ayaa bilaabatay 11-kii bishan Abriil , waxaana lagu wadaa inay dhammaato dabayaaqada bisha soo socota.

Dadka saameynta ku leh dalkaas ayaa qeyb ka ahaa ol’olaha doorashada iyo hadalheynta hadda socota, xilli lagu guda jiro codbixinta.

Wareysi dhex-maray jilaaga caanka ah ee Akshay Kumar iyo Ra’iisul wasaaraha Hindiya

Ra’iisulwaasaare Narendra Modi iyo Jilaaga caanka ee Bollywood Akshay Kumar oo kulan taariikhi yeeshay ayaan ka wada hadlin arrimaha siyaasadda.

Ma cadda xilliga waraysiga la qaaday balse waxaa lagu soo daayay telefishinka ANI maalintii Arbacada ahayd, waxaana waraysiga lagu qaaday hoyga ra’iisul wasaaraha ee magaalo madaxda Delhi.

Sida uu Kumar sheegay waraysigan wuxuu ahaa mid “arrimaha siyaasadda aanan lagu xusin”, barta twitter-ka ayaa aad looga hadal hayay waraysigan.

Sheekadan ayaa noqotay mid cajiib ah maadama uusan Mr Modi badanaa warbaahinta la hadlin.

Inta uu xilka hayay, waraysiyada uu siiyo telefishinada ayaa ahaa kuwa aad u yar.

Waraysigan ayaan wax faahfaahin ah laga bixinin mowduuciisa, maadaama uu Kumar caddeeyay inaysan ka wada hadlin arrimaha siyaasadda ama arrimo muran dhalin kara, taasi ayaana barta Twitter-ka ka abuurtay dood xooggan.

Waxaan Mr Modi ka barannay arrimo cusub oo ku saabsan, “in Mr Modi uu jecelyahay inuu daawado muuqaallo, madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama uu marar badan ku waaniyey inuu seexdo saacado badan”,

Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan doonayayn inuu noqdo ra’iisul wasaare, balse uu jeclaa inuu ku biiro milateriga dalka.”

Qoraal uu ra’iisul wasaarre Modi ku baahiyey barta Twitter ayaa waxa uu ka codsaday dadka caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya ay dadka ku dhiirageliyaan inay codeeyaan.

Jilaaga weyn ee Bollywood Shah Rukh Khan ayaa ballan qaaday inuu arrintaas fuliyo, wuxuuna maalintii Isniinta ahayd ka codsaday taageerayaasha inay codeeyaan.

 

Khan waxa uu haystaa malaayiin qof oo taageero u ah oo ku nool dalka Hindiya, waxa uuna ka mid yahay dadka aadka u yar ee aanan si dhakhso ah uga falcelinin baaqyada ra’iisul wasaaraha.

Balse qoraakiisii Isniinta ayaa noqday mid aad loo hadal hayo, taasi oo ka yaabisay Mr Modi.

Doorashada ayaa qaadan doonta toddobo wareeg, waxayna socon doontaa toddobaadyo, natiijada ayaana lagu dhawaaqi doonaa 23-ka bisha May.

Doorashada Hindiya ayaa ah habka dimuquraaddiyadeed ee dunida ugu wayn, dad tiro ahaan ku dhow 900, 000,000 oo qof ayaa isu diiwaangaliyey in ay doorashadaan codkooda ka dhiibtaan.

Waxyaabaha la yaabka leh ee bulshada caalamka aadka usoo jiitay ee ku saabsan doorashada dalka Hindiya ayaa waxaa kamid ah, tirada dadka isu diiwaan galiyey codbixinta, tirada xarumaha codbixinta, tirada dadka ka shaqaynaya xarumahaas, tirada kuraasta lagu tartamayo iyo sidoo kale tirada xisbiyada ku loollamaya doorashada.

Baaxadda wayn ee dalka Hindiya aawadeed qabsoomidda doorashooyinka ayaa u baahan hawlgal aad u wayn, iyadoo loo yagleelay hal malyan oo xarumood oo dadka dalkaasi ay codkooda ka dhiiban doonaan.

Ra’iisul wasaare Narendra Modi iyo xisbigiisa ayaa doonaya in dib loo doorto, iyagoo guulo waawayn kasoo hoyiyey doorashooyinkii dhacay sanadkii 2014-kii.