Aragtiyaha Cali Khaliif Iyo Axmed Ismaciil Waan La Haystaa, Xataa Haday Ka Cadhaysiiyaan Kuwa Aan Maskaxda Ka Talin!”Cali Guray.

0

Aragtiyaha Cali Kaliif iyo Axmed Ismaciil waan la haystaa xataa haday ka cadhaysiiyaan kuwa aan maskaxda ka talin ee qalbiga ka taliye sida ay Isaaqu u badan yihiin. Isaaqa wax uun baa la odhanyaa goor la jibaysan yahay ciddii wax ka duwan tidhaa warmaha ayaa lagu boobayaa sidii Cali Garaad Jaamac lixdankii markii uu yidhi “waar naag la furay baa la cadaa-bixiyaaye lix bilood dib inoogu dhiga israaca”: Maantana Isaaq kuwan kama saxsana ee kuwan baa ka saxasan laakiin waxa Isaaqu isu sheegay wax ka duwan marka afkooda laga maqlo saw in warmaha lagu boobo maaha oo markiiba lala soo boodo “waa lana xasuuqay”

Waar anaga nalama xasuuqin waxna maanu xasuuqin ee soomaali oo dhan baanu keligayo u jilibdhignay oo aanu waddada marin oo duhur laysu wada jiro guushii dagaalka halkaa la marnay. Maantana cidna ciil uma qabno hadii aan ciil na loo qabain. Nin aan maalintii raggu is dilayay joogin ee xaska dabada geliyay ayaa imika Dhulbahante iyo Gadabuursi ugu faana SNM baan ahaa oo ah Isaaq baan ahaa. Yaa ku yidhi Isaaq oo dhan baa SNM ahaa? Hadda inta xaga kale ka soo jeeday ayaa badnayd intii ka horaysay 1988kii

Maanta Somaliland ka bilaabantay 1991kii oo 26ka Jun ay 18ka May ka mudan tahay anaga maaha mid aanu idinla yeelan karayno ee taa idinku keligiin iska haysta maxaa loogu jawaabi karaa? Sandulle miyaa! “Waa lana xasuuqay” Yaa ku xasuuqay? Daarood – ilayn anigoo Isaaq ah baa leedahaye- Hadda majeerteen wixii ku dhacayna waa la ogaa iyaguna Mareexaan bay haystaan saw mahaa? Hadraawi sawkii lahaa

HUBKA BARI KU TALAXTEGAY

ALLAYLEHE HUBSIIMIYO

HAKAD BUU U BAAHNAA

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)