Maxaa sababay dhimashada tiro xayawaanka Jeerta ah ee dalka Itoobiya?

0

Saraakiil ku sugan dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay dhimashada 28 kamid ah xayawaanka Jeerta oo ku noolaa seeraha qaran ee Gibe Sheleko ee dhaca koonfur galbeed ee dalkaasi.

Waxaa looga shakisan yahay in dhimashada ay horseeday cudur halkaasi ka dillaacay balse saraakiisha waxay sheegeen inay baarayaan dhimashada Jeerta.

Waxaa la sheegay in tiradan Jeerta ay dhinteen intii u dhexeeysay 14-ka bishan April ilaa 21-ka bishan April.

Sannadkii 2017-kii, boqol kamid ah xayawaanka Jeerta ayaa u dhintay cudur ka dilaacay seeraha qaran ee dalka Namibia.